Isha furan ee soo gudbisa dareenka dhabta ah ee muslimiinta waqtiyadan adag.

0
125
Pakistan's Prime Minister Imran Khan speaks during an interview with Reuters in Islamabad, Pakistan June 4, 2021. REUTERS/Saiyna Bashir

Waa In La Aqriyaa!

Saameyntii ugu weyneyd ee aan Ilaahay ku rumeysto aniga ahaan, waxay ahayd inaan meel iska dhigay dhammaan ka cabsashada aadanaha. Quraanku  dadka wuu xoreynayaa markuu leeyahay nolosha, geerida, ixtiraamka iyo bahdilku waa xukunka Eebbe, sidaa darteed maahan inaan u sujuudno aadanaha kale.

Intaa waxaa dheer, maadaama tani ay tahay nolol ama adduun ku-meel-gaadh ah ayna tahay in aan u diyaarnoqono  tan weligieed ah, waxaan ka soo baxay xabsi  si jujuub ah lay geliyey oo ah kan habaaran ee reer galbeedka, Sidaa awgeed, dhakhaatiirta qalliinka balaastigga ah samaysaa waxay leeyihiin maalin iyo seere u gaar ah. Maadiga, dabciga iyo waxa dadku ay dhahaan iyo wixii la mid ah. Waxaa muhiim ah in la ogaado in uusan qofku u baabi’i doonin damacyada dhulka. Ayna dhabtahay halkii ay iyagu maamuli lahaayeen in  mid ka awood badni maamulo oo xukumo.

Markii aan raacay qaybta labaad ee aaminsanaanta Islaamka, waxaan noqday bini’aadam dhab ah oo fiican. Halkii aan ka ahaan lahaa mid la xukumo oo iska nool, sidaasi waa sida aan dareemayo, maxaa yeelay Qaadirku wax badan buu i siiyay, taa badalkeedana waa inaan u adeegsadaa barakadaas si aan u caawiyo kuwa u baahan. Dhabahaa ayaan qaaday anigoo raacaya aasaaska diinta Islaamka halkii aan ka noqon lahaa qof ku xeel dheer adeegsiga qoriga kalashnikov.

Advertisement

Waxaan noqday dulqaad iyo deeqsi bini’aadam ah oo dareema una naxa oo u naxariista dadka liita. Halkii aan guul u aanayn lahaa naftayda, waxaan ogahay inay taasi ku timid doonista Eebbe, sidaa darteed ayaan bartay is-hoosaysiinta halkii aan iska weynayn lahaa.

Halkii aan ka  caadaysan lahaa dabeecadda islawaynida ee kuwa lunsani u haystaan in dhaqanka reer galbeedku wax yahay sida dadkeenu ubadanyahay, waxaan aaminsanahay sinnaanta oo waxaan si xoog leh uga soo  horjeedaa caddaalad darrada lagu sameeyay dadka itaalka daran ee bulshadeenna. Sida quraanka ku xusan, ‘Dulmiga ayaa ka xun dilka.’ Xaqiiqdii hadda oo keliya ayaan fahmay macnaha dhabta ah ee Islaamka, haddii aad uhogaansanto doonista Alle, waxaad helaysaa xasilooni & nabad gudaha ah.

Iimaankayga dartiis, waxaan helay awood igu dhex jirta oo aanan waligay ogayn inay jirto taasina waxay sii siyaadisay awooddayda nolosha. Waxaan dareemayaa in Baakistaan ay haysato Islaam sax ah. Kaliya inaad rumeysato ilaahay oo aad isla qumanaataa kuguma filna.

Waa in aad noqotaa qof bini’aadam ah oo wanaagsan. Waxaan dareemayaa inay jiraan waddammo reer Galbeed ah oo leh astaamo Islaamnimo oo aad uga badan kuwa Baakistaan, gaar ahaan habka ay u ilaaliyaan xuquuqda muwaadinkooda, ama arrimaha nidaamka caddaaladda. Xaqiiqdii qaar ka mid ah shakhsiyaadka ugu fiican ee aan ogahay ayaa ku nool halkaas.

Waxa aan ku necbahay iyaga waa laba wajiilaynta sida ay u ilaalinayaan xuquuqda muwaadinkooda oo aanay u ilaalinayn xuquuqaha muwaadiniinta dalalka kale, iyagoo aaminsan  inay si uun dadyawga kale uga liitaan iyaga bini’aadam ahaan, tusaale ahaan. Ku daadinta qashinka sunta ah dunida saddexaad, xayeysiinta sigaarka aan laga ogoleyn reer galbeedka iyo iibinta daroogada laga mamnuucay reer galbeedka.

Mid ka mid ah dhibaatooyinka haysta Pakistan waa kala qaybsanaanta laba kooxood oo madax adag falcelintooda. Kooxi waa kooxda indhaha reer Galbeedka ku fiirisa Islaamka iyagoon aqoon buuxda u lahayn mawduuca. Waxay si adag ula dhaqmayaan qof kasta oo isku deyaya inuu Islaamka ku dhaqo bulshada waxayna doonayaan adeegsiga diinta qaybteed.

Kooxda  kale waa kooxda ka falcelisa aragtida reer galbeedka iyagoo isku dayaya inay difaacaan caqiidada, waxay yeeshaan dabeecad qalafsan oo dulqaad la’aan iyo isla qumanaan ah, taasoo karaahiyo ku ah Islaamka in loo nisbeeyo.

Waxa loo baahan yahay si wax loo qabto in  si uun loo bilaabo wada hadal dhexmara labada daraf. Si taa loo hirgeliyo waa in waxbarashada dalkeena  si sax  ah loogu daro barashada diinta Islaamka.

Ha noqdaan dadku kuwo ku dhaqma muslimnimada ama Ilaah si dhab ah u rumeyey hayeeshee gebi ahaanba diintu waa xulasho shaqsiyadeed. Sida Quraanku inoo sheegay ‘diintu khasab maaha.’ Si kastaba ha noqotee, dadku waa inay yeeshaan aqoon  ay kula dagaallamaan xagjirnimada waayo aqoonta ayaa ah hubka ugu weyn uguna wanaagsan. Haddii kale dhibaatada xagjirnimada lama xallin doono.

Qur’aanku wuxuu muslimiinta ugu yeedhay ‘umadda dhexe’, ugumana yeedhin xagjirnimo. Nabiga suuban (nnkh) waxaa loo sheegay inuu si fudud farriinta u dhiibo oo uusan ka walwalin in dadku soo jeesteen iyo inkale, sidaa darteed, su’aal kama taagna kamana mid aha tiirarka islaamka in diinta dadka lagu qasbo iyadoo aad adeegsanay fikirkaaga kana hor imaanayso fikirada dadka kale.

Intaa waxaa dheer, waxaa naloo sheegay inaan ixtiraamno diimaha kale, goobahooda cibaadada iyo nebiyadooda. Waa in la ogaadaa inaanay jirin ergooyin ama ciidan muslimiin ah oo weligood aaday Malaysia ama Indonesia. Dadku waxay ku islaameen sababo la xiriira mabaadi’da sare iyo dabeecadda fiican ee ay ka arkeen ganacsatada Muslimiinta ah ee gaadhay dhulkooda.

Xilligan la joogo, xayeysiimaha ugu xun ee Islaamka laga bixiyaa waa dalalka sheegta in ay islaam yihiin ee ku tumanaya xoriyaadka iyo xuquuqaha dadka.bulshada adeecda ee ku dhaqmaysa  aasaaska  diinta Islaamku waa inay noqotaa mid xor ah oo ku dhaqmaysa mabaadida sare ee quraanka.

Haddii bulshada  Pakistan ee Reer Galbeedka la dhacsani ay bilaabaan barashada diinta Islaamka, ma aha oo keliya inay awood u yeelan doonaan inay bulshada ka caawiyaan la dagaallanka kooxaysiga iyo xagjirnimada, ee waxay sidoo kale  ogaandoonaan waanaaga diinta Islaamka iyo horumarkeeda dhabta ah.

Waxay sidoo kale awood u yeelan doonaan inay u sharraxaan fikradaha Islaamka dunida Galbeedka. Dhawaan, Amiir Charles wuxuu aqbalay in dunida Galbeedku ay wax ka baran karaan diinta Islaamka.

 Laakiin sidee ayay taasi ku dhici kartaa haddii kooxda ku jirta booska fahamka labada qaybood ee islaamka iyo galbeedku ay iskala dhacsan tahay fikradaha reer Galbeedka isla markaana ay u arkaan Islaamka dib u dhaca?

Diinta islaamku waa diin caam ah waana sababta nabigeena scw loogu yeedhay in uu yahay Naxariis loo diray dhamaan bini’aadamka.

Humbly written by: Imran Khan

 Prime Minister of Pakistan

Humbly translated By: Hassan Mohamoud Dhiillood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here