Isha furan ee soo gudbisa dareenka dhabta ah ee muslimiinta waqtiyadan adag.

0
114

Waa in La Akhriyaa!

Waxaa qoray Imran Khan

Jiilkeygu wuxuu ku soo barbaaray xilligii gumeystuhu marayey heerkii ugu sareeyay. Jiilkeennii hore wuxuu ahaa addoomo wuxuuna lahaa liidnimo weyn oo kaga imaanaysay xagga Ingiriiska. Dugsigii aan aaday wuxuu la mid ahaa dhammaan iskuulaadka caanka ah ee ku yaal Pakistan. In kasta oo ay xorriyadda qaateen, haddana waxay ahaayeen, welina yihiin, kuwo isu ekaysiiya ingiriiska halkii ay ka noqon lahaayeen pakistaniyiin dhab ah.

In kasta oo aan xilliyada qaarkood u jibaysnaa kuna qaylin jirey ‘Pakistan Zindabad’ misna howlaha iskuulka, ka jira dartood waxaan u qaatay dhaqankeyga dib u dhac  diintayduna inay tahay mid duugowday. Ardayda dhexdeeda haddiiba uu jiro qof diinta ka hadla, tukada ama gadh la baxaa wuxuu isla markiiba ku suntanaa mid duwan ama Mullah.

Advertisement

Waxaan akhriyay oraahda Shakespeare, taas oo ila fiicnayd, laakiin ma ay jirin in aan u daymo yeesho Allama Iqbal – abwaanka qaranka Pakistan. Fasalka marka la joogo barashada diinta islaamka si dhab ah looma tixgelin jirin, markii aan dugsiga dhamaystay waxaa la ii tixgeliyey in aan ka mid ahay dadka dalka ugu muhiimsan maxaa yeelay waxaan ku hadli karay luqadda Ingiriiska oo waxaan xidhnaa dharka reer galbeedka.

Awooda warbaahinta reer galbeedka darteed, geesiyaasha aan tiigsano ama ku dayanaa waxay ahaayeen xidigaha aflaamta reer galbeedka soo saara ee ku caanbaxay. Markii aan galay Oxford waxaa durba I fuulay dhib, waayo diimaha oo dhan waxaa loo tixgelinayey sidii wax aan loo baahnayn.

Sayniska ayaa badalay diinta oo aaminsan in wixii aan kasmo ahaan la garan karin uu yahay wax aan jirin. Dhammaan walxaha ka sarreeya fahamka dadka waxay ku koobnaayeen filimada. Falsafadleyda sida Darwin, oo isagu aragtidiisa ku maleeyey kagana beensheegay abuurka, ayaa la akhriyey oo la qaatay ama la qaderiyey.

Intaa waxaa sii dheer, taariikhda yurub waxay xanbaaratay khibradeedii & Dhibaatooyinkii ay gaysteen wadaadadii Masiixiyiinta xilligii Xukunka ay gacanta ku haysteen taasoo  xusuuso xunxun  ku reebtay maskaxda reer Galbeedka.

Si loo fahmo sababta reer galbeedku u jecelyihiin cilmaaniyada, qofku waa inuu aadaa meelaha sida Cordoba ee Spain si uu usoo arko qalabka jidhdilka loo adeegsaday xilligii Isbaanishka. Sidoo kale silcintii la mariyey saynisyahanada oo ah bidcada ay sameeyeen wadaadadu iyadoo saynisyahanada laftoodu reer Yurub ka dhaadhiciyey in diimaha oo dhami ay yihiin dib udhac.

Si kastaba ha noqotee, qodobka ugu weyn ee dadka aniga ila midka ah diinta ka fogeeyay wuxuu ahaa Islaamka xulashadiisa ay ku dhaqmayeen inta badan dadka waacidiinta ahi. Marka la soo koobo, farqi weyn ayaa u dhexeeyay dhaqankooda & wacdigooda. Sidoo kale, halkii ay ka sharixi lahayeen falsafada ka dambeysa diinta, waxaay xooga saareen cibaadooyinka.

Waxaan dareemayaa in aadanuhu ka duwan yahay xayawaanka. Halka, tan dambe la carin karo, aadamuhu wuxuu u baahan yahay in uu caqli ahaan qanco. Taasi waa sababta Qur’aanku marwalba u soo bandhigo sababaha. Arimaha  ugu xun, dhabtii  waxay ahayeen dhiig-miirashada Islaamka uga  faa’iidaysta dano shakhsiyadeed ama dano kooxeed oo kaladuwan.

Sidaa awgeed, waxay ahayd mucjiso in aanan noqon diin laawe. Sababta kaliya ee aanan u noqoni waxay ahayd saameyn diimeed oo xoogan oo hooyaday igu yeelatay markii aan yaraa. Ma ahayn islaam ku negi ahaantaydaasi mid aan ku qanacsanahay balse  jacaylka aan iyada u qabo ayaan ugu sii negaa Muslim ahaanta.

Hayeeshee, Islaam ahaantaydaasi waxay ahayd mid aan anigu xusho. Waxaan aqbali jirey qaybo diinta ka mid ah oo aniga iigu muuqday kuwo igu habboon. Salaadahaygu  waxay ahaayeen maalmaha Ciida iyo mararka qaarkood oo aan Jimcaha tukan jirey, markaasina waxayba ahayd marka aabbahay ku adkaysto inuu masaajidka igeeyo.

Isku soo wada duuboo waxaan noqday qof isula muuqda mid dhab ah. Oo waxa aan hantay shahaadooyin sax ah marka la eego iskuulka, jaamacadda iyo, wixii ka sarreeya, ahaanshahayga dabaqada sare ee ingiriisku, waa waxa keliya oo qofka dhab inuu noqdaa ku hamiyo oo noloshiisa u halgamo. Marka maxaa igu kallifay inaan ka tago taas hore oo aan noqdo qoomi pakistaani ah’?

Hagaag arintaasi kuma dhicin habeen keli ah.

Markii u horeeyey, dulinimada & liidashada jiilkaygu dhaxalay waxay  si tartiib tartiib ah u muuqatay markii aan hortagay ciyaartooy heer caalami ah. Marka labaad, waxaan ahaa qof ku jiray booska noololeed ee laba dhaqan oo siweyn u kala duwan. Waxaan bilaabay inaan u fiirsado faa’iidooyinka iyo faa’iido darrooyinka labada bulsho ee aan ka tirsanahay.

Bulshooyinka reer galbeedka, hay’adahoodu way xooganyihiin halka ay ka burbursanyihiin dalkeena. Waxaase jira meelo, aynu kaga sarayno, waana ta nolosha qoyskeenna. Waxaan xaqiiqsaday inaan ogaadey in tani ay tahay khasaaraha ugu weyn ee bulshada Reer Galbeedka haysta. Iyagoo is lahaa waxaad ka xoroowdeen dulmigii wadaaddada, waxay meesha ka saareen Ilaahay iyo diinta oo noloshooda qiimo weyn u lahaa.

In kasta oo saynisku, si kastuu u socoto, uu uga jawaabi karo su’aalo badan, misna waxaa jira laba su’aal oo aanu waligii ka jawaabi karin: Mida hore waa maxay  ujeeddada jiritaankeennu? tan labaadna waa maxaay waxa aynu la kulmi doona geerida dabadeed?

Waa halka madhan ee aan dareemay inay abuurtay maadiga iyo dhaqanka foosha xun. Haddii tani ay tahay nolol keligeed ah markaa qofku waa inuu sameeyaa caws inta qorraxdu sii dhalaalayso, si taas loo sameeyona qofku wuxuu u baahan yahay lacag. Dhaqanka noocan ahi wuxuu keenaa sababo & dhibaatooyin nafsaani ah, maxaa yeelay waxaa jira isku dheelitiran la’aan ka dhax dhaca jidhka iyo nafta.

Sidaa awgeed, Mareykanka, oo muujiyey horumarka maadiga ugu weyn isagoo muwaadiniintiisa siiya xuquuqo badan, misna ku dhowaad boqolkiiba 60 dadka Mareykanka ku dhaqani waxay la tashadaan dhakhaatiirta maskaxda. Balse waxaa yaab ah cilmu-nafsiga casriga ah, kuma jiro daraasad lagu sameeyo nafta aadanaha. sweden iyo Switzerland, oo ah kuwa ugu deeq bixinta badan muwaadiniintooda, misna waa kuwa ugu horeeya oo ay ugu badanyihiin dadka is-dilaa. Sidaa awgeed, qofku  maaha mid ku qanci kara walxaha maadiga ah oo keli ah ee wuxuu ubaahanyahay wax intaas kabadan.

Maaddaama akhlaaqda oo dhami ay ku xidhantahay diinta, marka diinta  meesha laga saaro, anshax darrada ayaa si tartiib tartiib ah u koray ilaa 70s. waxayna Saamayn toos ah ku yeelanay nolosha qoyska.

Boqortooyada Midowday (UK), heerka furiinka waa 60 boqolkiiba, halka lagu qiyaasay inay jiraan in ka badan 35 boqolkiiba hooyooyin  keli u nool. Heerka dambiyada ayaa ku sii kordhaya guud ahaan bulshooyinka reer galbeedka, laakiin xaqiiqda ugu dhibta badan ayaa ah kororka naxdinta leh ee midab takoorka ka dhex jira bulshooyinkaa.

Iyadoo saynisku had iyo jeer isku dayo inuu caddeeyo sinnaan la’aanta aadanaha (sahan dhowaan la sameeyay oo muujinaya Madoowga Mareykanka inuu hidde ahaan ka caqli yar yahay caddaanka) haddana diinta oo keliya ayaa ka hadlaysa sinnaanta aadanaha.

Intii u dhaxeysay 1991 iyo 1997, waxaa lagu qiyaasay in wadarta soo galootiga Yurub ay ku dhowaad tahay 520,000, waxaana jiray weeraro ku saleysan isir naceyb oo ka dhacay, gaar ahaan Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka. Baakistaan intii lagu jiray dagaalkii Afgaanistaan, waxaan usoo hayaamay in ka badan afar milyan oo qaxooti ah, hayeeshee in kasta oo dadku aad  faqiir u yahay, masna ma jirin xiisad isir.

Waxaa jiray dhacdooyin isdaba-joog ahaa 80-tameeyadii oo ii dhaqaajiyey xagga Eebbe sida Quraanku yidhi: ‘Calaamooyin baa ugu sugan kuwa caqliga leh. Midkood wuxuu ahaa ciyaarta kirikit. Maaddaama aan ahaa arday ciyaara ciyaartaa, markasta oo aan fahmo ciyaarta, waxaa ii bidhaamayey in fursadahaasi ay ahaayeen, doonista Alle. Arin waqtigaa si cad wax iigu tilmaantay. Waxay ahayd Salman Rushdie & buugiisii ‘Aayadaha Shaydaanka’ arintaasi waxay ii bilowaday inuu kobco fahamkeyga Islaamku.

Dadka aniga oo kale ah oo ku noolaa dunida reer Galbeedka waxaa ku dhacay cuqdad ka dhalatay Islaam naceybka oo ka timi falcelinta Muslimiinta ee buugga. Waxaa na haray laba amuurood midkood kuwaa oo kala ah dagaal ama carar.

Maaddaama oo aan si weyn u dareemay in weerarada ka dhanka ah Islaamku aysan xaq ahayn, waxaan go’aansaday inaan dagaallamo. Waxaa se I hortimid oo aan xaqiiqsaday inaanan haysan aqoontii aan ku dagaalami lahaa maxaa wacay qoonta aan  Islaamka u lahaa oo aan igu filnayn.

Sidaa awgeed waxaan bilaabay cilmi-baadhis waxayna ahayd xilligii aan helay iftiinka ugu weyn. Waxaan aqriyay aqoonta aqoonyahanada: sida Ali Shariati, Muhammad Asad, Iqbal, Gai Eaton, oo lagu daray dabcan, barashada Qur’aanka.

Waxaan isku dayi doonaa inaan sharaxaad  kooban ka bixiyo, Runtii aan daahqaaday. Marka Mu’miniinta lagula hadlayo Quraanka, wuxuu had iyo jeer Quraanku dhahaa, ‘Kuwa rumeeyey Alle ee camal fiican falay.’ Si kale haddii loo dhigo, qofka muslimka ah wuxuu leeyahay laba ujeedo mid ah xagga ku xidhnaanta Eebbe iyo tan kale oo ah la dhaqanka aadamaha kale.

Maqaalka uu qoray Imran Khan wuxuu ku soo baxay wargayska afafka Carabiga & Ingiriisiga ku hadla ee maalinlaha ah kana soo baxa Sacuudi Carabiya.

La soco qaybta danbe…..

Waxaa turjumey: Hassan M. Dhiillood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here