Jovenel Moïse, madaxweynihii dalka Hayti. Oo habeen hore saqdii dhexe qudha laga jaray.

0
71

Ninkani waa Jovenel Moïse, madaxweynihii dalka Hayti. Habeen hore saqdii dhexe isaga oo gurigiisa hurda ayaa baas la gu jarjaray oo nafta la ga qaaday.

Jovenel Moïse waxaa la doortay sannadkii 2016, muddo xileedduna wax ay ka dhammaatay bishii Feebarweri ee tagtay, laakiin doorasho wuu qaban waayay, wax uuna qoondaystay muddo korodhsi ilaa 2022. Intaa uun ma aha ee wax uu baajiyay doorashadii Wakiillada iyo codayn dadweyne oo dastuurka la gu hagaajin lahaa. Debedbaxyo, codsi iyo cabasho waa la ga la daalay, dabadeed waa taa la khaarajiyay.

Ina Cigaal kolkii uu korodhsaday haddii la khaarajin lahaa Rayaale ma korodhsadeen, haddii Rayaale la dili lahaana Siilaanyo dhaqan xumadaa ma soo celiyeen. Qalfoofyada Guurtida iyo booli-quutayaashii Golaha Wakiillada gurigoodii ka dhigtay haddii wiil dhiirrani baas la dhex gali lahaa doorasho dib u ma dhacdeen, dalkana maanta waxaa ka jiri lahaa hannaan dawladeed oo hagaagsan. Dhanka kale Farmaajo si yar oo fudud is ka ma yidhaahdeen laba sano ayaan ku darsaday.

Dadku dawlad wanaagsan bay rabaan haddana waxba u huri maayaan. In madaxdu dadkooda ka baqaan dawladnimo ka ma horrayso.

Advertisement

WQ/ Ibraahi Hawd Yuusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here