Jubbaland Oo Fariin Kaga Dari karta Muddo Kordhinta la sameeyey udirtay Mareykank

0
80

Muqdisho (Walwaal.com)- adib Fariintii Dawlada Mareykanka usoo direen Madaxda Dawlada Soomaaliya ayaa waxa ka timid fal celin badan taas oo bidhaamineysa Marxalada Adag Ee Dalku lugaha lasii galayo.

Xoghayaha Arimaha Dibada Mareykanka Antony Blinken ayaa si cad usheegay inaysan taageeri doonin Muddo kordhintii Labada sano Ee Baarlamaanka Golaha Shacabka ugu dareen Isniintii Hay’adaha Dawlada.

“Qaraarka lagu kordhiyay muddada Dawladda Federaalka ayaa dhabaha usii xaareysaa wer werka guuldaro sii socoshada nabadda iyo Xasiloonida dalka.  Waxaan ugu baaqeynaa Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka inay dib ugu laabtaan miiska wada hadalada isla markaana ay isla meel dhigaan waddo walbo oo bur bur keeni karta,ayuu yiri Antony Blinken”

Warkaasi qoraalka ahaa Ee Twitterka ku daabacay Xoghaye Blinken waxaa ka aragti dhiibtay Wasiirka Caafimaadka Maamul Gobolleedka Jubbaland Mursal Khaliif isagoo soo jeediyey in Ficil loo bedelo Fariimaha Beesha caalamka soo saarayaan.

Advertisement

“Iyadoo La Qiimeynayo Ixtiraamka,hadana ay iila Muuqataa in waqtigii hadallada iyo fariimaha diblomaasiyadeed uu soo dhammaaday. Waa xilligii Dawlada Mareykanku qaadi lahaa talaabooyin la taaban karo oo ka dhan ah kuwa sida ku talo galka ah u wiiqaya ku dhaqanka Dastuurka, Soomaaliya & xasilloonida qaran ee dhibta laga soo maray mar kalena aysan awoodin Soomaaliya in dib bur bur loogu celiyo,. Wixii intaas ka yar ayaa Soomaaliya god ku ridi doonta,ayuu yiri Mursal Maxamed Khaliif”.

Weli Dawlada Soomaaliya kama aysan jawaab celin Hanjabaada dawladaha Mareykanka & Ingiriiska ee ah in Cunuqabateyn soo rogi doonaan hadii wada hadalka Doorashada Soomaaliya dib loogu laaban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here