Khatarta ay leeadahay Kiimikada Warshaddaha Isbuunyadu

0
71

Waxaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay aad looga cabtay xanuuno la sheegay in ay ka dhasheen kiimiko ka mid ah kuwa laga sameeyo joodariyada isbuunyada ee warshadii gubatay ee Garoowe.Ugu horaynta waxaan si aan kala har lahayn u dhiiri gelinaynaa isku dayga warshadaynta dalka iyo in waxyaalo badan oo dibada laga soo dejin jiray looga maarmo in warshado yar yar la keeno.

Waxaa iyaduna muhiin ah in la dejiyo sharciyo lagu xakameynayo (Regulation) khataraha caafimaad, deegaan iyo badqabka shaqaalaha ee ka dhalata maadooyinka kiimikada ah ee warshaduhu isticmaalayaan lana ilaaliyo/kantaroolo tayada qalabka (products).Samaynta isbuunyada waa waxyaalaha ugu sahlan ee warshadaynta.

Isbuunyada loo isticmaalo joodariyada waa kiimiko la yiraahdo “Polyurethane” oo iyadu aan lahayn marka ay diyaarsan tahay khatar caafimaad oo la ogyahay, kiimoko ahaanna aan firfircoonayn (Chemically Inert). Waxayse halis u tahay gubashada iyo in dab qabsado (Flammable).Waxaase in si adag ah looga taxadaro loona xakameeyo u baahan mid ka mid ah labada kiimiko ee isbuunyada laga sameeyo sida “Polyisocyanates”.

Kuwa ugu caansan ee la isticmaalo waa TDI (Toluene Diisocyanate) iyo MDI (Methylene Diphenyl Diisocyante).Sida aan kasoo xigan karno OSHA (Occupational Safety and Health Aministration) ee USA, kiimikadaan waxay keentaa cuncun maqaarka iyo sanqaroorada (irritation of skin and mucous membranes), xabadka oo tigtigma (chest tightness), cuncun indhaha, sanka iyo dhuunta (irritation of eyes, nose and throat), iyo neefta oo qofka ku dhegta (difficult in breathing).

Advertisement

Waxaa kale oo lagu daraa kiimikadan “Polyisocyanate” ee laga sameeyo joodariyada noocyada keeni kara kansarka (potential human carcinogen). Xanuunka ugu badan ee haddii la neefsado ama loo banbaxo ay keento kiimikadani waa cudurka loo yaqaan neefta (occupational asthma) iyo xanuuno kale oo ku dhaca sambabada.

Sidaa darteed, waxaa laga rabaa dawladda iyo ganacsatada leh warshadahaan in ay xakameeyaan, shuruuc adagna u sameeyaan sida loola tacaalayo, loogana hortagi lahaa khatarta ka dhalan karta kiimikadaan joodariyada oo isticmaalkeedu aad u soo badanayo …Qofkii aqoon dheeri ah u baahan, ha akhriyo cutubka ku lifaaqan qormadaan (book chapter)

W/Q Dr. Mohamoud A. Mohamoud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here