Kursiga deegaan doorashadiisu tahay Sool iyo Sanaag #hop235 oo hada uu ku fadhiyo Abdilahi bidhaan warsame

0
133

Beesha Naalaye Axmed ee kursigaas iska leh waxey wax u qaybsadaan 7 todoba baadhi

Doorashadii 2016 ee 51 ergey ay soo doorteen xildhibaanada waxey u kala heleen min 7 ergey

Maadaama nidaamka doorashadu 2021 hada yahay 101 ergey in ay soo doortaan xildhibaanada waxayna u kala heli doonaan sidan

1. Cilmi naalaye 14 ergey

Advertisement

2. Bariig haye iyo bihina samatar 14 ergey

3. Aadan naalaye iyo cabdale naalaye, bihina faarax 14 ergey

4. Jibriil naalaye 14 ergey

5. Ba’cabdale iyo samood naalaye 14 ergey

6. Bihidarays 14 ergey

7. Bihina caraale 14 ergey

Hadaba sidaa qayaxan waxaan u qorey in aan cadeeyo beeshu sida ay wax u qaybsato xiliga doorashada marka ay dooranayaan xildhibaankooda

Afar sano iyo lixbilood waxa kursiga beesha ku fadhiyey mr bidhaan

Hadaba mudadii uu mr bidhaan kursiga uu ku fadhiyey maxey beeshu ka faa’idey amaba uu u qabtey?

Kursiga xildhibaan nimadu waa matalaad beeled oo uu ku matalayo masraxyada siyaasada iyo miisaska masiirka dalka lagu go’aamiyo

Mr bidhaan mudadii uu ku fadhiyey wixii loo soo doortey ee ahayd matalaadi beesha ma fuliyey oo ma hirgaliyey sababihii loo soo doortey?

Xildhibaanada BJFS ee ka kooban 275 ka mudane ee la midka ah mr bidhaan ee ay golaha ku wada jiraan maalin walba dadka ay matalaan waxey u qabtaan

shaqaalaysiin shaqaalaha rayidka ah ee dawlada , qorid ciidamada dawlada ee kala duwan dalacsiin saraakiil, mashaariic, deeqaha waxbarasho gudaha iyo dibada ba ah u doodid ama u qareemid deegaankii ay kasoo jeedeen ee laga soo doortey ha noqoto golaha BJFS dhexdiisa ama miisaska siyaasada lagu jaan gooyo ee wax lagu qayb sado

Maalin keliya ma aragtey mase maqashey mr bidhaan oo golaha baarlamaanka dhexdiisa kaga hadlaya danta deegaankii laga soo doortey ee uu matalayey?

intaas oo shaqo oo ah waajibka xildhibaanimo ma fuliyey mr bidhaan?

Jawaabtu waa maya iyadoo kooban

Aan kuu sababeeyo mudadii uu mr bidhaan kursiga ku fadhiyey iska daa in uu wax qabtee mashaariicdi loogu soo dhiibey deegaankiisa ayuu ka iibsadey garoowe qaarna maamulada kale ee dalka

Dadka inta taageersan ee danaha ku qabta waxey kugula doodayaan kursigii xildhibaanimo wasiir buu ku heley!!!

Ma xuma in uu ku heley wasiirnimo laakiinse meedey matalaadi loo doortey dadkii kursigan xildhibaanimo lahaa xaqoodi ee kaga maqnaa dawlada dhexe ma uga keeney mise beesha naalaye axmed kursigeeda ma mudna miyaa in wax loogu qabto kursigooda mise waxey mudan yihiin in kursigooda qof ku fadhiisto oo shaqo iyo dano isaga u gaar ah ku fushado oo ay noqdaan jaranjaro lagu fuulo kursi iyagana aan dani ugu jirin

Beesha naalaye axmed shaqsi ahaan waxaan waydiinayaa ma waxaad kursigiini siinaysaan mr bidhaan oo aynu og nahay wixii uu sameeyey oo ahayd in uusan danihiina uusan ka shaqayn oo uusan waxba idiinku qaban afar sano iyo lix bilood kursigiini?

Mise waxaad dooran doontaan shaqsi aqoon leh waayo arag ah cabqari ah kana shaqeeya danihiina oo matalaad rasmi ah iyo wax qabad idiin fuliya?

Masiirkiina ka fakera oo caqliga ka shaqaysiiya afar sano iyo lix bilood oo mugdi ah baad soo marteen ama noqda dad wax ka barta wixii idin ku dhacey ama noqda dad aan wax ka baran wixii ku dhacey oo aan garan waxey soo mareen

Dhawaan waxaan bilaabi doona qoraalo taxane ah oo aan kaga hadli doono kursiga beesha #hop235 ee u ku fadhiyo mr bidhaan qormadana waa hordhac lasoco qaybaha danbe waadna ku mahadsan tahay akhrinta qoraalkan

W/Q Mnuur Ladane

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here