Lascanod; taliyaha ciidanka koonfurta sool, oo beelo uu kala badbaadiyey maxakabad suge u ah xukumada muuse biixi.

0
102

Walwaal Online; Lascanod; waxay baahi u qabtaa u kuurgelid ah xaqiiqooyin badan oo bulshada ka daahan isla markaana ah kuwo socda, markaan sidaa leeyahay waxaan ahay mid ka ujeedo hadlaya, xogogaalka aan u ahay, isbedellada wakhtigoodii la gaadhay ee ku wajahan hadda.

Aan ishayda dhaafiyo wax badan oo aanu qalinkaygu diyaarsanayn inuu hada daaha ka feydo.Hase ahaatee aan is dultaago, anigoo su’aalo iska weydiinaya lana wadaagaya inta xogogaalka u ah..

> Dhacdadii dilkii ahayd ee ka dhacday koonfurta magaalada lascanod labada nina lagu dilay, isla markaana uunka la maqashiiyey in sarkaal ciidan ku haystay koonfurta magaaladaa uu gacan ku dhiiglayaashii kala baxay xabsiga dhexe inay ahayd been ee nimanka uu ka qabtay iyagoo maqaaxi ku qayilaya caddeyntaasu ma cid bay ka qarsoon tahay.

> In uu sarkaalkaasi waa ina haashime arrin dhanka colaada ah oo lagu hawshoon lahaa fududeeyey miyaanay ahayn mid la ila qirsan yahay iyadana , ka dib beelihii dhibanaha ahaa ee dilka loo geystey si aan laga filanayn nimankii inay xadhkaha uga furaan saw kama suuroobin..

Advertisement

> Halkaasi miyaanay ahayn mid uu sarkaalkaasi ku guulaystey inuu kala daweeyo dhinacyadii dhibka dilka ahi kala dhex marey.> Nimanka dilka geystey miyaan la i lahayn masuuliyiin xil dawladeed haya ayay xigto iyo istaaf ba u ahaayeen.

> Miyaanay warbaahinta uga mahadniqin waxgaradkii uu hawshaa ka dulqaaday, iyagoo qiraya inuu suuqa ka qabtay, weliba maqaaxi ku qayilaya.> Maxaa sababay sarkaalkaa waa ina haashime inuu xadhig mutaysto, maxakabad ciidana lala sugo maanta, taasi miyaanay ahayn muxuu wax u wanaajiyey.

NB; Xukuumada uu u xidhan yahay, madaxda sare ee ciidanka iyo weliba maxakabada ciidanku waa mid aan hawadaa u marinayo inaanay ku degdegin arrintaa dhanka baadhista awgeed, waa hadii wixii wax wanaajiya aanay ahayn kuwo la leeyahay maxay u wanaajiyeen.

Waxaan dib u dhigan doonaa denbiyo aanay dadka galay mudnayn inay masuuliyad xukuumada gobolkaa uga hayaan, waase haddii la iga keeno.

Cabdi xuseen ibraahin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here