Madasha Badbaado Qaran oo codsi ka dhan ah Farmajo u gudbisay Golaha Amaanka ee Q.M

0
61

Muqdisho (Walwaal.com)- War murtiyeed goor dhaw ka soo baxay Madasha Badbaado Qaran ayaa waxa  kaga  dalbatay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay in ay naqdiyaan muddon kororsiga sharci darada ah ee madaxweyne Farmajo.

Sidda laga soo xigtay qoraal Madasha kusoo saartay luuqada English-ka kana kooban laba bog, Madasha ayaa dooneysa in golaha u aqoonsado dheereysiga “talaabo baalmarsan dastuurka”

Bayaanka ayaa lagu xusay in Ku darsiga halis ku tahay guulaha laga gaarey nabada iyo xasiloonida, kuna celineyso qaranka “tafaraaruq siyaasadeed & isku dhac hubeysan”.

“Go’aanka [muddo kororsiga] waa isku day la rabo in lagu carqaladeeyo dedaalada lagu doonayo in heshiis looga doorashooyin ku saleysan heshiiska 17-kii September,” ayaa la raaciyey warka qoraalka.

Advertisement

War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in Madasha Badbaado Qaran ay qaadeyso talaabooyin ka dhan ah muddo kororsiga sharci darada ah isla markaana xudun u ah in xal waara loo helo khilaafka.

“Madasha Badbaado Qaran waxaa ka go’an in kala sareynta sharci dib loogu soo celiyo Soomaaliya si nabad ah.

Iyaddoo taas la xeerinayo waxaan goobeynaa in faragelinta Golaha Ammaanka,” ayay tibaaxeen.

Qoraalka Madasha Badbaado Qaran ayaa ku taariikheysan 19-ka April, 2021 taasoo la macno ah in ay direen shalay oo Farmaajo uu DRC u tegay si uu taageero dibada ah ugu helo muddo kororsiga labada sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here