Madaxda galbeedka afrika waxay leedahay meelna uma socono!

0
106

Muqdishoi (Walwaal Online) – sanadkan, Galbeedka Afrika waxaa dib ugasoo muuqday af-gambigii afriki caanka ku ahayd, inkastoo tobaneeyadii sanadood ee u danbeeyey madaxda africaanku badi isu dhigayeen kuwo u yar dhega nugul xukun ka degistu misna cudurkii 50 kii sanadood afrika hayey dib ayuu u soo laba kacleeyey

bishii la soo dhaafay  Mali waxaa ka dhacay afgenbi talada looga qaaday madaxwaynihii la doortay. Madaxweynayaasha Ivory Coast iyo Guinea iyaguna waxay isu diyaarinayaan in ay mar saddexaad ay talada sii joogaan iyagoo bedealaad ku sameeyey dastuurkii ahaa in laba wakhti oo keliya madaxwaynuhu joogo. Taasoo meesha ka saaraysa doorashooyinkii dhowaanahan gobolka laga qabanayey.

dhaqdhaqaaqyada noocan ah ee dheeraysiga xukunku waxay horseedaan in madaxdu cabudhiso mucaaradka siyaasadeed, taasoo ah in dad badan oo reer Galbeedka Afrika ah ay aaminaad daro ka qaadeen sanduuqa doorashada ayna tahli waayeen in ay la xisaabtamaan hoggaamiyeyaasha, sida ay sheegeen, dadka u dhaqdhaqaaqa  isdoorshada iyo falanqeeyayaashu.

“Veronique Tadjo, oo ah qoraa reer Ivory Coast ah, waxay tiri waxaan codsaneynaa hay’ado adag oo doorsho oo ka madax banana in siyaasiyiintu  gudaha ka maamulaan ama jaangooyaan habka iyo hanaanka doorashooyinku u dhacayaan.

Advertisement

Xasilooni xumida siyaasadeed waxay sii wiiqi kartaa amniga gobolka oo ay joogaan  mintidiinta ku xiran al-Qaacida iyo daacish, kuwaa oo ku hanjebaya inay cagta marinayaan nidaamyada ka jira waqooyiga afrika.

Dhanka kale in ka badan toban qof ayaa lagu dilay dibadbaxyada ka dhacay Ivory Coast tan iyo markii madaxweyne Alassane Ouattara uu ku dhawaaqay bishii la soo dhaafay in uu raadin doono mar saddexaad xilka bisha Oktoobar. Kuwa ka soo horjeedaa waxay ku baaqeen Axaddii olole cusub oo ka dhan ah Ouattarad.

dalka Guinea, ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintey mudaharaadyo looga soo horjeedey tan iyo sanadkii hore isbeddelada dastuurka ee u oggolaanaya Madaxweyne Alpha Conde inuu u tartamo madaxnimada  bisha soo socota.

Ouattara iyo Conde labadu ba waxay yiraahdaan waxaanu xaq u leenahay in aanu mar kale tartano, iyagoo ku doodaya in dastuurrada cusubi siinayaan ogolaansho ay mar sadexaad isku soo sharaxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here