Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo isaga huleelay Muqdisho

0
65

Muqdisho (Walwaal.com)- Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka duulay madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ka gadaal markii ay mudo ku xayiraayeen xerada xalane.

Labada nin waxay ka huleeleen magaalada ka dib markii uu fashalmay isku daygii ay la wadeen waxa loogu yeedho beesha caalamka, kaasoo lagu hagardaamaynayey dawladnimada Soomaaliya labadaa nin waxay afka saareen magaalooyinka Kismaayo iyo Garawe.

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe waxay saaka la kulmeen qaar kamid ah Wakiilada beesha Caalamka gaarahaan Safiirada Mareykanka iyo UK u jooga Soomaaliya iyo James Swam.

Waxay kaloo shir la qaateen isbahaysigii ay wax ka dhisteen ee loo garan ogyahay Midowga Musharaxiinta iyo Gudoomiyaha Aqalka sare oo ku midaysan Madasha Midnimo Qaran.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here