Madaxwayne Farmaajo oo lagu biyo keenay una muuqda in uu aqbalay tanaasulaad dheeraad ah

0
423

Muqdisho (Walwaal Online)- Warar la helaayo  ayaa sheegay in dowladda soomaaliya ay aqbashay in dib loo eego xubanha guddiga Doorashada ee lagu muransanyahay.

Waxaa socda isku dayo lagu xalinayo muranka hareeyay Doorashada, Waxaana wararka sheegayaan in ku dhawaad 15,xubnood ay dhinacyada diidan Guddiga ay xuseen magacyadooda in guddiga laga saaro

Warar hoose ayaa sheegaya in xubnaha qaarkood ay dowladda su’aal ka keentay sababaha lagu diidanyahay, maadaama shaqa  dowladeed aysan Xilligan ku magacaawneyn.

Mucaaradka, ayaa guddigan ku eedeeyay in ay ku jiraan xubno ka tirsan kuwa Amniga, Shaqaale Dowladeed iyo taageerayaal Dowladda oo caan ka ahaa baraha Bulshada.

Advertisement

Doodda Doorashada, ayaa xilligan muranka ugu weyn waxa uu salka ku hayaa Seddex qodob oo kala ah.

1 Guddiga Doorashada. 2Arinta Gedo iyo Midda reer Waqooyiga.

Beesha caalamka ayaa wadda dadaalo ay ku dooneeyso in la iskugu yimaado kulan kale oo lagu xalinayo khilaafka taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here