Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay maqnaanshaha Labada Maamul Ee Puntland & Jubaland

0
534

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay maqnaanshaha Labada Maamul Ee
Puntland & Jubaland

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka
qeyb-galay munaasibad lagu soo xirayay Shirka Dhuusamareeb-3 oo
maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Dhuusamareeb ee caasimada
Galmudug, ayaa ka hadlay ka maqnaanshiyaha maamulada  Jubbaland iyo
Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay kaalin muhiima ku leeyihiin
shirweynahaasi, islamarkaana uu aad uga xun yahay maqnaashahooda.
 “Walaalaheena Puntland iyo Jubbaland waxaa leeyahay madashan waxbaa
ku leedihiin dad wanaagsan baad tihiin, waa nagu fogtihiin waa ka xunahay
in aadan imaan oo aadan xaadir ku aheyn” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in shirar kale ay
kala soo qeyb-gali doonaan maamulada Jubbaland iyo Puntland, midaasi
oo ka dhigan in shirka Dhuusamareeb-3 uu ka dambeeyo shirweyne kale.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here