Maraykanka oo qoorqabadkii Israel Ee Carabta Soo Gaadhsiiyey Bariga Afrika, Laba Dal Oo Uu U Sandulleynayo Israel.

0
44

Walwaal Online; (Nairobi) 23 Sebt 2020 – Maraykanka ayaa dalka Kenya u soo jeediyey inay taageerto danaha siyaasadeed iyo ta dhaqaale ee Israel, iyadoo haddii ay fulinweydo iska illaawi doonta ganacsi ku dhisan habka suuqa xorta ah (FTA) kaasoo ay la gashay Maraykanka.

Shuruuddan ayaa haatan hor taalla heshiis ay ganacsiga FTA ka gaadhaan Nairobi iyo Washington, sida uu Danjiraha Maraykanka ee Kenya u sheegay warsidaha The EastAfrican.

https://www.theeastafrican.co.ke/tea/news/east-africa/us-tells-kenya-to-support-israel-or-forget-free-trade-deal-2304192

Waxa uu Maraykanku, sida uu warsidaha The EastAfrican soo bandhigay in maraykanku uu dalka Kenya ka codsanayo inaanu ka qayb noqon wax kasta oo niyad jebinaya ama fal kasta oo ku dhisan cuqdad ka dhan ah in Israel lala macaamilo, sida cunaqabataynta iyo go’doominta.

Advertisement

Maraykanka ayaa u dhaqmaya sidii dal ka tirsan Israel, sidoo kalena Kenya u yeedhiyey inay “tirtirto dhamaanba tarriifooyinka iyo caqabadaha hor yaalla badeecooyinka Israel, ama xitaa raacidda siyaasadaha Jaamacadda Carabta ee ka dhanka ah Israel.”

Kenya ayaan weli mowqif cad qaadanin, balse waxay u muuqataa mid aan ku faraxsanayn in dhinac 3-aad la soo dhex geliyo heshiiska kala dhexeeya dal kale.

Maraykanka ayaa mudadii uu xilka hayey Trump gacanta si toos ah ugu galay Nettanyahu, isagoo dalal badan oo Carbeedna ku khasbay qaarna ku qalqaalinaya inay la heshiiyaan Israel, waxaana ka mid ah Suudaan oo inuu la heshiiyo uu kaga xidhay in xitaa laga saarayo liiska dalalka ”argagixisada taageera”, walow uu nidaamkii markaasi uu is bedeley.

Waxaa arrintaa haatan ku kala qaybsan golaha KMG ah ee haatan ka taliya dalka Suudaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here