Miyuu soo hannuunay Faysal Cali Waraabe?

0
394

Muqdisho(Walwaal online) Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo can ku ah kala goynta iyo kala geynta soomaaliya ayaa markii u horeysay yidhi Dowladdaha Kenya iyo Itoobiya ma wadaan danta soomaalida.

Faysal Cali Waraabe  wuxuu warkiisa raaciyey in ay lama huraan tahay in soomaalida ku kala dhaqan, Soomaaliya, Soomaalida Kenya NFD, Sooomaalida Itoobiya  iyo  Soomaalida Jabuuti ay iska kaashadaan sidii dhibaatada looga saari lahaa Soomaaliya.

Faysal wuxuu ku eedeeyey dawlada federaalka soomaaliya in ay awoodeedii oo dhan isugu geysay sidii ay ku gaadhi lahayd oo usoo qaban lahayd Somaliland, docda kalena wuxuu carrab dhabay in aanay ka jirin wax talo ahi gudaha Somaliland laakiin xagga rabi laga taageerayo Somaliland.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here