Mucaaradka Ruushka oo cadaadis adag la kulmaya

0
53

Muqdisho (Walwaal Online)- Booliska dalka Rushka ayaa xir xiray xubno si weyn ugu dhawaa hoggaamiyaha mucaaradka ah ee xiran ee la yiraahdo Alexei Navalny.

Xubnahaan la xir xiray ayaa lagu eedeeyay inay wadeen qorshe ay magaalada caasimada ah ee Moscow, kaga abaabulayeen isku soo baxyo waa weyn oo lagu dalbanayo in hogaamiyahaas lagu soo daayo.

War booliska kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay fashiliyeen banaanbaxyo la doonayay in laga bilaabo dhawr magaalo oo caasimadu ka mid tahay waxaana dadka loo sheegay inay guryaha joogaan.

Dawladu waxay sheegtay in ciidamadii ugu badnaa oo kuwa amaanka ah la geeyay illaa 60 magaalo oo Rushka ku yaala kuwaasoo laga cabsi qabo in banaanbaxyo ka dhacaan.

Advertisement

Taageerayaasha Alexei Navalny ayaa baraha bulshada ka abaabulay isku soo baxyo lagu diidanyahay xarigiisa hase ahaatee booliska ayaa qaaday tilaabooyin looga hortagayo banaanbaxyadaas.

Hogaamiyahaan mucaaradka ah ee sida weyn u dhaliila madaxweynaha Rushka laga xiray garoonka diyaaradaha magaalada Moscow Axadii lasoo dhaafay markaasoo uu dalka ku laabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here