MURANKII UU MEESHA KAGA BIXI LA’AA WASIIR CAWED

0
253

Muqdisho (walwaal online), ka dib War-murtiyeedkii lagu dul akhriyey wasiirada dawlada federaalka, iyaga oo aan waxba kala socon & weji gabixii ay kala kulmeen shirkii Garoowe, wuxuu durba dhabaha u xaadhay sidii Villa Somaaliya uga aargoosan lahayd oo u abaal marin lahayd.

Waxaa ka dhex abuurmay wasaarada arimaha debeda isqabqabsi durba debeda usoo boodey oo u dhexeeya wasiirka iyo wasiir u dowlaha, waxaa na labadooda xafiis kasoo kala baxay laba warqadood oo is burinya, taasoo u muuqata in la diyaariyey sidii mudane Cawed daaqada looga saari lahaa, maxaa yeelay waxaa dharaarta ka cadaatay in uusan wax saamayn ah ku lahayn puntland oo laf dhuun gashay ku noqday dowlada Soomaaliya.

Wasiir Cawed wuxuu ku dhex ceeboobey, tolkiis iyo magaaladii uu u dhashay, isagoo na laguna dul go’aamiyey wax aan danta umada iyo tiisa midna ku jirin, wixii aan sugnaaba waa sida wasiirada hadhay ee ku weheliyey safarkaa iyagana loo mariyo dhabihii ay ku bixi lahaayeen?  

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here