Puntland Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Eedayntii Safaarada Maraykanka Ee Somalia U Jeedisay

0
563

Maamulka Puntland ayaa jawaab kulul ka bixiyey eedeyntii uu Mareykanku
u jeediyay xubnihii ka maqnaa shirka Dhuusamareeb-3, kuwaasi oo uu ku
tilmaamay inay yihiin ‘Qas-wadayaal’.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay inaysan
garab istaag u muujin doonin xubnaha ka maqnaa shirka Dhuusamareeb-3,
oo laga soo saaray go’aamo aysan qeyb ka aheyn madaxda Puntland iyo
Jubbaland.

Nuuradiin Aadan Diiriye, oo ah Lataliyaha sare ee Madaxweynaha
Puntland oo ka jawaabaya, ayaa ereyga ‘qas-wadayaal’ ee uu adeegsaday
Mareykanku ayaa ku sifeeyay kelimad aan macno buuran laheyn oo ah
Maalaa-yacni

Nuuradiin oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sidoo kale
sheegay inay muhiim tahay in is af-garad laga gaaro doorashada, isla
markaana ay tahay xiligii ay saaxiibada caalamku ee Somalia ay fahmi
lahaayeen in Soomaalidu ay go’aan gaari karaan.

Advertisement

“Xaqiiqdi waa waqtigii saaxibadeenna caalamiga ahi ay fahmi lahaayeen
oo ay si buuxda ugu qanci lahaayen in marwalba ay aheyd Soomaali
go’aan ka gaarey geeddi-socodkooda doorashada waqtiyadii la soo
dhaafay sidaasna ay ku sii jiri doonaan mustaqbalka. Erayada
‘qaswadayaasha’ (Spoilers) wax macne ah malaha (Maalaa-yacni)” ayuu
yiri.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xili Shirka Dhuusamareeb-3 laga soo
saaaray war-murtiyeed, iyadoo ay ka maqan-yihiin maamulada Jubbaland
iyo Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here