Puntland oo lacag xad dhaaf ah kusoo rogtay dadka ka safraya deegaanadooda.

0
616

Dowlada  Puntland ayaa lacag kusoo rogtay dadka ka safraya
deegaanadeeda, taasoo bilaabantay dhowaan

Puntland ayaa qofkasta oo ka safraya kusoo rogtay lacag dhan Lixdan
iyo sideed doolar ($68), midaasi oo ah sida lagu sheegay mid uu qofku
ku qaadanayo ‘shahaadada baaritaanka cudurka Covid-19’.

Sida ay xogta ku helayso walwaal online ayaa sheegaysa in qof kasta ay
waajib ku tahay shahaadada covid19 inuu bixiyo lacagtaasi, haddii kale
uusan heli doonin waraaqda safarka ee cadeynaysa baaritaanka
cudurkaasi.

Si kastaba ha ahaatee Lacagtan ayaa shacabka qaar ay ku sheegeen inay
tahay mid xad dhaaf ah islamarkaana aysan bixin Karin marka loo eego
mida dowladda dhexe ay si weyn uga badan tahay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here