Puntland oo soo bandhigtay shabakad Alshabab ah oo Galkacyo lagu qabtay, qabiiladooda & xubno lagu raad joogo.

0
54

Walwaal Online; Laamaha ammaanka Puntland ee gobolka Mudug ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey shabakad Alshabaab u qaabilsanayd dilalka iyo falalka ammaan xumo ee magaalada Galkacyo oo maalin ka hor ay ciidanka ammaanku gacanta ku dhigeen.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug ee Puntland Mu’min Cabdi Shire oo waraysi bixiyey ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyey ee Galkacyo ay ka sameeyeen lagu qabtay 7 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, ayna ku raad joogaan saddex kale oo ciidanka ka fikaday.

Waxaa uu sheegay Taliye Mu’min Cabdi in ragga qabtay ay Gaalkacyo falal amni darro ka wadeen tan iyo sanadkii 2018, ayna qorshaynayeen falal ammaan xumo oo ay ka geysan lahaayeen gudaha magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Dhanka kalena, taliyaha ayaa xusay in shabakaddaan la qabtay ee ka tirsan Alshabaab ay guud ahaan ka soo jeedaan qabiilada degan magaalada Galkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug aysanna ku jirin shaqsiyaad gobolo kale ka soo jeeda.

Advertisement

Kooxdaan dhalinyarada ah oo la marin habaabiyey ayuu ugu dambayntii taliye Muumin Cabdi Shire sheegay inay maxkamadaha Puntland u gudbin doonaan, wuxuuna ugu baaqay shacabka kunool gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Galkacyo inay la shaqeeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here