Qaar ka mid ah dagaalyahanka Mareykanka oo sheegaya in dhiigii lagu daadiyay Afghanistan uu khasaare ahaa

0
49

Muqdisho (Walwaal.com) (Reuters) – Jason Lilley wuxuu ka qayb ahaa ciidamada Marin Raider  oo ka soo dagaalamay dagaalo badan oo ka dhacay Ciraaq iyo Afghanistan intii lagu jiray dagaalkii ugu dheeraa ee Ameerika gasho.

Lilley, oo 41 jir ah, wuxuu ka tarjumayaa go’aankii Madaxweyne Joe Biden ee ahaa inuu soo afjaro hawlgalkii milatari ee Mareykanku ka waday Afgaanistaan Agoosto 31, Lilley wuxuu muujiyaa jacaylka waddankiisa, laakiin wuxuu neceb yahay siyaasiyiintooda wuxuuna ka uur xunyahay dhiigga iyo lacagta la lunsaday. Saaxiibbadiis waxaa lagu dilay laguna naafeeyay dagaallo uu sheegay in aan wax guul ah laga gaadhin, taasoo ku kelifaysa inuu dib uga fikiro dalkiisa iyo noloshiisa.

Wuxuu yidhi Lilley; boqolkiiba boqol waa ku khasaaray dagaalkaa waayo u jeedadiisa oodhami waxay ahayd  in laga takhaluso Talibaan manay dhicin taasi oo hadda Dalibaan ayaa la wareegay waddankii.

 Madaxwayne Biden wuxuu yiri dadka reer Afgaanistaan waa inay ka tashadaan mustaqbalkooda  maxaa yeelay Mareykanku kuma qasbana inuu jiil kale u huro dagaal aan ldhamaansho lahayn.

Advertisement

Weerarradii Al-Qaacida ee 9/11 ee Ameerika waxay kiciyeen ku dhowaad 20 sano oo isku dhac ah oo horseeday in ka badan 3,500 Mareykanka iyo xulafadiisa oo dhimasho ah iyo in ka badan 47,000 rayid reer Afgaanistaan ah oo dhintay, halka ugu yaraan 66,000 ciidamada Afghanistan ahina ay nafta ku waayeen, 2.7 milyan oo reer Afghanistan ah ayaa iyaguna ka cararaya dalkooda sida lagu xusay dhibaatooyinka kale ee uu sababay mashruuca Dagaalku taas oo laga soo dheegtay Jaamacadda Brown.

Lilley, wuxuu iswaydiiyey in dagaalkaasi u qalmey waxaa oo dhib ah waayo wuxuu safka hore ee Dagaalka uu aduunka kawado maraykanku kaga jirey Ciraaq iyo Afgaanistaan ​​ku dhowaad 16 sano.

Wuxuu sheegay in halkaa la geeyay ciidamo aaminsan inay halkaas u joogaan inay ka adkaadaan cadowga, kiciyaan dhaqaalaha isla markaana sare u qaadaan Afghanistan guud ahaan. Wayse fashilmeen ayuu yiri.

“Uma maleynayo in hal nolol in lagu waayo ay u qalantay labada dhinacba,” Lilley ayaa yiri isagoo sharaxaya aragtidiisa wareysi laga qaaday isagoo jooga gurigiisa oo ku yaal Garden Grove, koonfur-bari Los Angeles.

Lilley kaligii kuma ahan ka fekerka ka bixitaanka Mareykanka kadib ku dhowaad 20 sano oo dagaal ah. Dad badan oo Mareykan ah ayaa. Aragtida Lilley iyo halyeeyada kale  qaba taasina waxay gacan ka geysan kartaa in dalka la ogeysiiyo kharashaadka ku baxay dagaalka iyo casharrada laga bartay Afghanistan.

Fikradaha Lilley waa mid isaga u gaar ah qaar ka mid ah halyeeyaduna way ku kala duwan yihiin, sida dadka Mareykanku guud ahaan u leeyihiin qiyaaso kala duwan oo ku saabsan dagaal kor u qaaday xuquuqda haweenka oo horseeday in ay dileen hogaamiyihii Al Qaacida Osama bin Laden.

Xigasho: Reurers

Reporting by Tim Reid; Editing by Donna Bryson and Daniel Wallis

Af-celintii Walwaal.com Hassan. M. Dhiillood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here