QIIMAYNTA SHAQADII OLOLAHA NADAAFADDA EE DOOXA HARGEYSA

0
90

Aniga oo ujeedkaygu yahay in aan wax ku dhiso, ee aanan wax ku dumin, iskana dhawraya in eray xanaf lihi iga baxo, haddana aan ka tagayn runsheeg, sixitaan iyo talo-bixin ayaan saddex qodob uun ku koobayaa qoraalkaygan. Kuwaas kala ah;

1. In aan bogaadiyo shaqadii wanaagsayd ee Hargeysa u qabsoontay.

2. In aan soo gudbiyo sawirkii saxda ahaa ee goobta shaqadii ka socotay aniga oo soo gudbin doona qodobbo muhiim ah oo aanay xusin warbaahintii goobta joogtay.

3. Iyo sixitaan iyo talo-bixin sidii ay wax iila muuqdaan.

Advertisement

1. BOGAADIN. Ugu horreyn aan bogaadiyo dareenkii damiirka wanaagsan ka dhashay ee shacabka Hargeysi ugu kaceen si ay khashinka iskaga basriyaan. Sharaf iyo ammaan badan waxa leh shakhsiyaadkii u soo kallahay in shaqadaas qabtaan. Waxa kale oo hambalyo istaahila duqa caasimadda Cabdikariin Axmed Mooge oo codsigiisa ay ku soo baxeen shacab door ah, oo iskugu jira qaybaha bulshada Sida; Culimada, hal-abuurka, ganacsatada iyo dadka arrimaha bulshada u dhaqdhaqaaqa.Taasi waxay muujinaysaa kalsoonida iyo rajada shacabku ku qabo hoggaamintiisa. Geesta kale, Hargeysi waxay dirtay farriin sida ay diyaarka ugu tahay wax wada qabsiga.

2. SAWIRKA SHAQADII OLOLAHA. Shaqadu waxay isagu jirtay saddex nooc oo kala ah; b. Xashiish ururin iyo basrin.t. Xashiish Gubis. j. Buuxin iyo simis dooxa dhexdiisa. Dadka shaqada qabanayay waxay ka kala yimaaddeen hay’adda dawladda hoose ee Hargeysa iyo bulshada rayidka ah qaybaheeda kala duwan. Haddii aan il-ka-cabbir ku sameeyo tiro ahaan wadarta dadku laba boqol oo qof ayay gaadhayeen, inkasta oo marba cid imanaysay, cid kale na tagaysay. Doc kale haddaan iska taagno ragga ayaa dumarka ka badnaa, marka jiilal loo qaybiyo na waxay u badnaayeen barbaartii gooni isku-taagga Somaliland kaddib dhalatay iyo tiro yar oo da’ ahaan 40 iyo 60 u dhaxaysa.

Dadku qalab ay ku shaqeeyaan ma wada haysan, af-xidhku dadka aad buu ugu yaraa, gacmo-gashiguna sida oo kale. Shaqadu ma qaybsanayn is-barbar yaac badanna uu jiray oo qof ba halka uu doono ayuu wax ka qabanayay. Xashiishka meesha yaallay uu ka badnaa mid maalin iyo laba lagaga gayoon karo. Masaafada la qorsheeyay in laga shaqeeyaana way hafinaysay dadka iyo agabka goobta laga heli karayay.

Si kasta ha ahaatee, gaadiidka dawladda hoose ee goobta joogay ayaan isna u badnayn sidii aan filayay, tusaale; shan boqol oo tallaabo waxa ka shaqaynayay laba cagaf-cagaf iyo laba iska-rogo. Waxa kale aan la illaawi karin in shaqadan iskaa wax u qabsada ah SHIDAAL dhiiri-gelineed looga dhigay wacdi iyo waano ay culimada dalka kuwooda ugu magaca dheeri ka wadeen gaadhi sameecado waaweyni saaran yihiin dhexdiisa.

Afar boqol oo tallaabo ayaan dooxa dhexdiisa lugeeyay si aan u miisaamo mugga culayska shaqada taal, halisaha goobta ka jira iyo nooca xashiishka meesha yaal iyo ilaha uu ka yimaaddo. Hadda ba Dooxa hareerihiisa haddii aan deegaan iyo ganacsi u qaybino, waxa ugu xashiish yar meelaha deegaanka ah halka goobaha baayac-mushtarku ugu xashiish badan yihiin. Raadka xashiishka haddaad u fiirsato wuxuu soo raacayay waddooyinka yaryar ee lugta ee dooxa soo gala. Aan noocyada ugu badan ee xashiishka iyana sawir ka bixinno waxay ka mid ah; cagad, bac, kartoon, dhar.

Haddii aad dheegga dooxa raacdo halka dhakharka Gargaar ku beegan waxa ishaadu qabanaysaa khashinkii caafimaadka, halka marka aad biriishka beri uga kacdo illaa Saldhigga New Hargeysa dhabarka aad soo gaadho xashiishka aad ku arkaysaa uu iskugu jiro; lafo, khudaar, dhar, taayirro, bakhti xoolaad, khashinka gaadiidka. IWL.

Halkaas na waxa iiga baxday in hudheellada, dhakhaatiirta, suuqa halibka iyo dharka iyo geerashyada dooxa ku teedsani ilaha xashiishku ka soo burqado. Ugu dambayn si kasta oo shaqada halkaas ka socotay u adkayd, iyada oo aanan arkayn wax biyo ah oo loo qaybinayay dadkii hawshan ku harraaday, dooxa oo qoyanaa ayaa is na sababay in shaqada lagu rafaado. Si kasta ha ahaatee, haddana wajiyada dadkii shaqadaas waday farxad iyo rayn-rayn ayaa ka muuqatay, waxaanay dareemayeen in ay gudanayaan waajib Qaran.

3. SIXITAAN IYO TALO-BIXIN.

Shaqada ololaha in aan wakhti ku filan la siin fakerkeeda, qorshaheeda iyo lafo-gurkeedu ba wuxuu iiga muuqday hab maamulkeeda. Dariiqa hawsha ololaha in xoog loo adeegsado ayaa laga door-biday in xeeladiyo iyo cilmi loo adeegsado, taasi oo ka waxtar badnaan lahayd dariiqa hadda la maray.

Shaqadu ma qorshaysnayn, mana nidaamsanayn, waxaana ka muuqday hab-qan.

Wax qiimayn ah oo shaqada ka hor la sameeyay ma jirin sida qabyada shaqada ka muuqatay, Tusaale xataa lama male-awaali karayn xaddiga khashinka meesha yaal iyo wakhtiga lagu guri karo.

Warbaahin badan oo meesha joogtay iyo dadka oo Maayarka daba yaacay geedi-socodkii shaqada ayay wiiqayeen.

Dhallinyar aan hormaysnayn oo aan shaqada qabashadeeda u diyaarsanayn agab ahaan ayaa lagu sii daayay shaqooyin laftooda waxyeello ka soo gaadhi karto. Tusaale, gabdho iyo wiilal xidhan kabo jambalka ama sandal ayaa ka dhex shaqaynayay, quruurado, biro daxalaystay iyo dhagaxaan.

Xashiishka in dooxa dhexdiisa lagu gubaa xilli dad badani ka dhex shaqaynayaan waxay ahay arrin aan caafimaadka u wanaagsanayn.

Halisaha kale ee la dhayalsaday waxa ka mid ah; in aan Ceelasha biyaha ee dooxa dhexdiisa oo aan qorshaha lagu darsan in badanna xannibay gaadiidkii shaqaynayay.

Maayarka iyo xildhibaannada kale ba waxay xidhnaayeen kabaha xaragada, kuwaas oo goob shaqadan oo kale ka socoto in lagu xidhaa sumad u tahay in halis la daaqayo. Tolo-bixinta fakerkayga ee ku socota Maayar Abdikarim Ahmed Mooge

Arrinta xashiishka magaalada haddii aan cilmi baadhis lagu samayn oo aan si qoto-dheer loo darsin shaqo kasta oo aad ka qabataan mid ku meel gaadh ah ayay noqonaysaa, xal waarana ma dhali doonto.

ololeyaasha nadaafadda haddii aad sii wadayso dhaadhici oo heer goobeed gaadhsii, ugu badnaana xeer xaafadeed.

Dooxa Hargeysa ugu yaraan 20 maalmood oo kuwa xashiishka in la dhigo ayaan soo jeedin lahaa.

isticmaal xoogga ardayda adiga oo fasaxana ka qaadanaya Wasaaradda Waxbarasha si maalin ba dugsiga aad u baahato ardaydiisu kaala qayb qaadato ololaha.

Tallaabo kasta oo aad qaadayso intaanad ku dhaqaaqin aad uga faker sida ugu sahlan ee ay ku qabsoomi karto.

Culimada caasimadda la kulan gaar ahaanna Imaamada Masaajidka si ay dadka uga wacyi-geliyaan nadaafadda.

Qorshe wacyi-gelineed oo warbaahinta aad si taxane ah uga sii dayso xilliga ugu suurto-galsan, ugu na dhakhsaha badan ku bilow.Ugu dambayn waxa aan Rabbi u weydiinayaa idil ahaan ba goleyaasha deegaanka ee Qaranka in Rabbi hawsha hortaal u sahlo.

WQ/ Cabdinaasir Axmed Abraham

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here