Qoraalada qiimaha leh ee lagu qoro baraha bulshada

0
233

Waxaa qoray: Ustaad Cali Ileeye

Muqdisho (walwaal online), Dadka diiddan ama yasaya beerashada, kalluumaysiga iyo tumaalnimada; ee quudhsanaya bulshadii ilbaxnimada iyo farsamada gacanta firka u lahayd (Gabooye iyo Jareer tusaale ahaan). Dadkaas oo doonaya, keliya, in lagu noolaado falsadda ”qab madhan iyo qatane kibirsan” ee laga dhaxlay ”nin qatan oo qaalmo oomman hawd ku raaci jirey”, marnaba nolosha dunida lama jaanqaadi karaan, umana qalmaan inay haystaan dalka ugu istiraateji san uguna xeebaha dheer.

Halka ay sartu ka qudhuntay ee dawladnimada Soomaalidu ka kici wayday ma aha loolanka qabiil iyo qaran, ee waa loolanka miyi iyo magaalo. Waxa ay ahayd in ay magaaladu hagto fikirka iyo habnololeedka miyiga, se innaga taa lidkeeda ayaa dhacday. Gaarriye oo ahaa dadkii arrinkaa ku baraarugay, waxa uu yidhi:
“Kala-daadsanaantii
Habkii duunyo dhaqashada
Iyo kala-danbayntii
Dawladnimo lahayd baa
Isku kay dul haystoo
Jeeroo doc loo dhaco
Hawl baa danbaysee.”

Maanta oo safmarka Koroona Feeras dunida ku baahay, xukuumadahaTurkiga iyo dalal kaleba waxa ay u sheegeen shacabkoodu in aanay ka werwerin badxidhan, waayo waxa uloo hayaa kaydka toban sanno ee dawo iyo cunto ah. Innaga maanta haddii hal toddobaad badeecadaha dibadda la joojiyo macaluul ayaa inagu habsanaysa. Iyada oo taasi jirto ayay yidhaahdeen, “Sidii diyaaradaha, maraakiibtana ha nalaga joojiyo, maxay sidaan ee aan raashin dhacay ahayn.” Raashin dhacay aad diidide adigu wax ma beeratay? Oo ma ka maarmi kartaa kaa dhacay hal maalin?

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here