Raadka ”Hawd And Reserve Area” Iyo Damaca Aan Baaqan Ee Ethiopia;

0
767

Walwaal Online; Qaybsashadii Dhulka Soomaaliyeed, Xilligii Saliida Laga Helay Gallaadi, Iyo Codsigii Ingiriiska Ee Herer Ilaa Seylac, Dadaalkii Ururadii Somalida, Iyo Rajadii Masar Ee Somalidu Ku Hungowday.

19kii Desember 1943dii, ayay ahayd markii dawlada Ingiriisku ay Itoobiya ku wareejisey qayb ka mid ah dhulkii Soomaaliyeed ee hore Ingiriisku u siiyey. Heshiiskaasi oo dhaqan galay sanadkii 1944tii, Ingiriisku wuxuu tixraacayey, heshiiskii uu la galay Itoobiya sanadkii 1897dii, wuxuuna dhaafsaday dhulka Soomaaliyeed dano uu u wakiishay Itoobiya iney uga fuliso webiga Niil iyo koonfurta Suudan oo markaas Faransiisku kula tartamayey. Faransiiska iyo Ingiriiska oo qaybta ugu weyn ka qaatay gumeysigii Qaaradda Afrika, waxay tartan u galeen kala qoqobida dadyowga ku dhaqan Afrika.

Haddaba waxaa jirtay iney isku qabsadeen Faransiiska iyo Ingiriisku meel la yiraahdo Fashoda oo ku taal koonfurta Suudaan. Arrintaasina waxay dhacday sanadkii 1899dii, kadib markii koox Faransiis ahi ay sahan ku tagtay Fashoda oo ku taal webiga Niil. Ingiriisku wuxuu Itoobiya ka doonayey iney ka kaalmeyso arrinta ku saabsan Fashoda iyo inaan Faransiisku ku soo durkin webiga Niil, haddii ay sidaas sameysana ay Itoobiya abaal marin u qaadan doonto dhulka Soomaaliyeed.

Heshiiskaasna waxaa u saxiixay Ingiriiska Rennell Rod oo wakiil u ahaa Boqortooyadii Ingiriiska. Dowladii Xabashidana, waxaa wakiil u ahaa Ras Makonen oo madax ka ahaa Harar.

Advertisement

Ka dib markii shirkadii Singlayr ay ka heshay saliid Degmada Gallaadi oo ka mid ahayd British Soomaaliland, Ingiriisku wuxuu damcay inuu wada hadal la galo Itoobiya, si aaney dhulka Hawd oo Gallaadi ka mid tahay Itoobiya u qaadan. Ingiriisku waxa uu soo qadimey Itoobiya iney qaadato xeebta Saylac illaa iyo Harar. Arrintaas Itoobiya wey ku gacan saydhey, waxayna weydiisatey Ingiriiska, inuu dhulka Hawd uga bedesho dhul ballaciisu le’eg yahay 100 mayl oo ay ku jiraan Seylac iyo meelo kale oo ka mid ah Soomaali Galbeed. Ingiriisku codsigaas wuu diidey, wuxuuna aakhirkii ogolaadav in Itoobiya ay qaadato dhulkii uu hore u siiyey. Bishii Nofembar 1954tii, ayey ahayd markii ay Itoobiya gacanta ku dhigtay qaybtii ugu dambeysey ee dhulkii Soomaaliyeed Ingiriisku siiyey.

5 tii bishii Jannaayo 1955tii, dadka Soomaaliyeed markii ay maqleen heshiiskan aad bay uga xumaadeen. Waxaana dhacay mudaaharaadyo badan oo looga soo horjeedo arrintaas Ingiriisku ku kacay oo ka soo horjeeda heshiisyadii uu la galay madaxda qabaa’ilka Soomaaliyeed. Isla sanadkaas, waqooyiga waxaa ka sameysmay urur uu madax ka ahaa Michael Mariano oo la oran jirey NUFRRH (National United Front for Retaining Reserve Area and Haud).
Ururkaas (NUF), oo shaqadiisu ahayd sidii loo soo celin lahaa dhulka Ingiriisku bixiyey, ayaa ka helay shacabka taageero aaney helin xisbiyadii kale ee waqooyiga ka jirey.

Bishii Maarso 1955tii, wafdi 4 ka kooban Michael Mariano, Abokor Xaaji Faarax iyo Cabdi Daahir ayaa u kicitimay Muqdisho si ay taageero ugu helaan halganka ay ugu jiraan hanashada dhulka Itoobiya la siiyey.

Bilihii Febraayo iyo Maajo sanadkii 1955tii, laba wafdi ayaa tagey dalka Ingiriiska si ay ugu gudbiyaan cabashooyinkooda ay ku doonayaan in loo soo celiyo dhulkii Itoobiya la siiyey. Madaxdii la kulmeen, waxay hordhigeen heshiisyadii ay qabaa’ilka Soomaalyeed la galeen dowladii Ingiriiska, kuwaas oo dhigayey inaan Ingiriisku siin karin dhulka Soomaaliyeed cid kale. Arrintaas waxaa looga dooday Baarlamaanka Ingiriiska, waxaana dhacday in dowladu ku gacanseyrtay dadkii ka tirsanaa Baarlamaanka oo u doodayey in dhulka Soomaaliyeed aan la siin Itoobiya.

Waxaa kaloo jirtey iney jaraa’idka ka soo baxa dalka Ingiriisku ay aad wax uga qoreen dhacdadan, ayagoo ku cambaareynaya dowlada tilaabada ay qaaday. Markii ay ka samreen inuu Ingiriisku wax la qabto codsigooda wafdigii Soomaaliyeed waxay isku dayeen iney arrintan hor geeyaan golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, si ay ugu gudbiso Maxkamada Caalamiga ah. Waxay filayeen iney taageero ka helaan dalka Masar oo ay islahaayeen way idin ku taageerin arrintan si loo soo hor dhigo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, dabadeedna loogu gudbiyo Maxkamad Caalami ah. Wafdigii Soomaaliyeed wax taagero ah kama helin Dowladii Masar oo ay ku tashanayeen, halkaas ayaana dadaalkoodii ku soo afjarmay.
Sawirka Hoose Nuqulkii Barlamaanka Ethiopia Ku

Codsanayeen 100 mayl Iyo Dekeda Sailac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here