Ra’isul Wasaare Rooble oo sameeyay ballan qaad ku saabsan Saadaq Joon

0
74

Muqdisho (Walwaal.com)- Warar laga helayo kulan dhexmaray Ra’isul Wasaare Rooble iyo Odiyaasha Beesa Habargadir ayaa lasoo sheegayaa in ay isfahan ay ka gaareen arrinta General Saadaq Joon oo maalmahan aad u taagnaateen.

Suldaan Mahdi Cabdirisaaq Maxamuud  Suldaanka beesha Habar Gidir ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay Muqdisho xalay ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uu damaanad qaaday in dowladda xiligeeda dhamaaday aysan duulaan ku aheyn deegaanka Shiirkole oo fariisin uu ka dhigtay Jen. Saadaq Joon.

“Ra’iisal wasaarahu wuxuu noo damaanad qaaday in dowladda aysan duulaan ku aheyn Shiirkole, Saadaq-na aysan duulaan ku aheyn arrinkaasina ay jacel yihiin qaab wada hadal ah iyo is-fahan in lagu dhameeyo,” ayuu yiri Suldaan Mahdi Cabdirisaaq Maxamuud oo ka warbixinayay wixii ay isla garteen Ra’iisul wasaare Rooble iyo waxgaradka beesha Habar Gidir.

Waxa uu dhanka kale Suldaan Mahdi Cabdirisaaq meesha ka saaray welwelka iyo cabsida maalmahaan ka jirtay Muqdisho, isagoona sheegay in juhdi badan ay ku bixiyeen sidii loo baajin lahaa dhibaato soo gaarta shacabka deegaanka Shiirkole degan, islamarkaana aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo dadkaasi oo ay mas’uuliyadeeda ay qaadeen.

Advertisement

Suldaanka ayaa sheegay  in ra’iisul wasaaraha iyo madaxda maamul goboleedyada Galmudug iyo HirShabeelle ay ku madalaan siyaasadda beesha Hawiye, wixii wanaag ahna ka wada shaqeynteeda ay qeyb ka yihiin cid walba oo dhaqanka ugu horeeyo.

Suldaan Mahdi ayaa tilmaamay in xildhibaanada Hawiye ee habeenadaan ku baaqayay difaaca Saadaq Joon inay la kulmi doonaan, isagoona ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada kale inay nabadda iyo xasilloonida dalka ka shaqeeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here