Ruushku uma baahna inuu qaado talaabooyin amni oo dheeri ah ka dib fadeexad pegasus

0
55

Afhayeenka madaxweynaha Ruushka Dmitry Peskov ayaa sheegay in dowladda Ruushku xidhiidhadeeda ay si waafi ah u ilaaliso hadaladiisa ayaa yimid kadib markii la kashifay fadeexadii Pegasus iyo basaasideeda shaqsiyaad saameyn ku leh aduunka.

Afhayeenka madaxweynaha Ruushka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Ruushka uusan u baahnayn inuu qaado talaabooyin dheeri ah oo dhanka amaanka ah kadib markii ay soo baxday fadeexada ka dhalatay nidaamka sirdoonka Israel ee Pegasus.

“Tallaabooyinka amniga ayaa si joogto ah looga sameeyaa halkan, mana loo baahna in tallaabo dheeri ah la qaado,” ayuu yiri Peskov.

“Guud ahaan, Madaxa Qaranka, iyo sidoo kale Golaha Wasiirrada, Maamulka Madaxtooyada iyo hay’adaha kale ee dowladda, waxay adeegsadaan nidaam isgaarsiineed oo gaar ah,  isgaarsiintaana dowladdu waxay u ilaalisaa si weyn,” ayuu yiri.

Advertisement

Baadhitaan lagu sameeyey sirahaa la jabsaday, oo ay daabaceen 17 warbaahin caalami ah, ayaa shaaca ka qaaday in 50 kun oo nambar lala bartilmaameedsaday dabagal, iyada oo loo marayo barnaamijka basaasnimada ee Pegasus ee shirkadda Israa’iil ee NSO.

Xogta la helay, macaamiisha kooxda NSO ay bartilmaansatay ee suurtogalka ah waxaa lagu sheegay 11 dal: Azerbaijan, Bahrain, Hungary, India, Kazakhstan, Mexico, Morocco, Rwanda, Saudi Arabia, Togo iyo United Arab Emirates.

Xigasho: Wakaaladaha

Af-celinta Walwaal.com, By: Hassan M. Dhiillood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here