Saamaynta Khaladaadka (The Effect Size of Mistakes)

0
518

Bani’aadamka waa gafaa, khaladna waa ka dhacaa. Laakiin waxaa kala badan saameynta khaladka iyo eelka uu ka tago (The effect sizes of their mistakes).Dhakhaatiirta khaladaadka ka dhaca wuxuu saameeyaa tiro yar oo bulshada ka mid ah.

Qof ama labo si khalad ah loo Diagnose gareeyey, welibana inta badan magdhow baa laga bixiyaa.Siyaasiyiinta iyo Policy Makers khaladkooda wuxuu saameeyaa bulsho iyo qaran dhan. Halkii magdhow la weydiin lahaa waxaaba laga yaabaa in lagu abaal mariyo xukunka lagu sii hayo ilaa waddanka oo dhami tawafo.Sidoo

kale macalimiinta iyo waalidka khaladkoodu wuxuu aafeeyaa fac (generation) dhan!Waa lama huraan in la helo dariiqo sax ah oo lagula socdo, lagula xisaabtamo, laguna cabbiro khaladaadka ay gelanayaan dadka gefafkoodu saameynta xoogga leh ku yeelanayo bulshada oo dhan ama halis gelinayo, jiritaanka qaranka.

WQ: Dr. Mohamoud A Mohamoud

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here