SANAMADA IN LAGU KUFRIYAA WAA GAR!

0
278

Muqdisho(walwaal online), Qormadan waxa aan ka soo qaadanay barta uu facebook ku leeyahay, qoraa Aadan Jaamac Oogle.

Wixii uu doono ha sameeyo ee yaan juuq loo odhan. Waa Isim oo waxa uu mudan yahay xushmad iyo karaamo ee la ma dhalliili karo. Madaxdhaqameedka innaga ayaa u baahan ee isagu inoo ma baahna. Haddii uu sidaa kuu eego waa uu kaa ga soo qaadayaa ee is ka ilaali oo ka farxi.Dadka sida noocaas ah u hadla ha oggaadeen in ay Sanam caabudaan la yidhaahdo Garaad, Suldaan, Ugaas iyo Boqor.

Qof kasta oo Bini’aadam ah baa Ilaahay karaameeyay. Ninkan shaqo ayaa u dheerayd iyo dadka igmaday oo karaamadii Eebbe siiyayay tiisii ugu daray ee uurkii hooyadii ka la ma uusan soo dhicin. Haddii uu ka soo dhallaalo waa shaqadiisii haddii uu ka soo bixi waayana cidna ka la ma noqon ee isagaa is ka qaaday, sabab loo xushmeeyaana meesha ma taal.

Nimankan madax-dhaqameedka sheegta ee Dhulbahante markii ay arkeen in dadkani caabudayo bay wax ay doonaan sameeyeen. Mid wiilkiisa Xildhibaan ka dhigta, mid wiilkii uu adeerka u yahay kursi ku ilaaliya, mid saldanaddii ka doorbida siigo siyaasaddeed uu nin inaadeerkii ah u kiciyo iyo mid isagu boos siyaasaddeed madaxa u duubta. War waad yaabaysaa haddii aad usii fiirsato! Shirkii Habarjeclo iyo Garxejis xitaa qaar baa noo ga qayb galay. Rag tiro yar oo lexejeclo iga hayso macal liiskan waa aan ku daray oo sawirradooda ma reebin oo raggooday wax la qabaan.

Advertisement

Giriiga uun baan xasuustaa oo leh Asnaam la yidhaahdo the twelve olympian gods. Nimankan aan sheegayaana waa 13. Laakiin 12ka Giriigu waxa ay ka ga fiican yihiin dumar qurux badan baa ku jira. Isimada is ka daa uun bay ku la soo doonanayaan. Waar na ga tagga addoomo foqol addoomo. Arrimaha Dhulbahante ee cakiran si xal waara loo ga gaadho, tallaabada koowaad ee loo baahan yahay in la qaado waa in Sanamyadan la gu kufriyo oo la ga xoroobo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here