SAYNISYAHANO AYAA HELAY QALFOOFKA SHIBIRTII UGU DA’DA WAYNAYD EE AY KA TAFIIRMEEN DIGAAGA IYO DIRGIRINKA, TAAS OO NOOLAYD XILIGII DIINASOORTA.

0
437

Qalfoof shibireedkii ugu da’da waynaa abid kana tafiirmeen shimbiraha hada jooga ee casriga ah ayaa ay cadeeyeen saynisyahano, uguna magac dareen “Wonderchicken

Wonderchicken waxaa loo aqoonsaday inuu awoowe u yahay digaaga iyo shinbiraha maanta nool.

qalfoofka ayaa taariikhdiisu tahay ilaa 67 milyan oo sano ka hor – taas oo la macno ah in shimbirahasi ay la waqti ahayeen xiligii diinasoorta, ku dhawaad ​​1 milyan ka hor inta anay dabar gonin.

Waqtigii ugu horreeyay ee aan arko waxa dhagaxa hoostiisa ku jiray, waxay ahayd daqiiqaddii iigu xiisaha badneyd nolosheyda cilmi-baarista, ‘ayuu yiri qoraaga maqaalkan iyo cilmi-nafsi-yaqaaneedka(palaeobiologist)  Daniel Field ee Jaamacadda Cambridge.

Advertisement

Tani waa mid ka mid ah qalfoof shimbireedka ugu fiican ee ay tahay in la ilaaliyo dunida meelwalba oo laga helo iyo da’ walba oo ay leedahay.

Waxaanu ku dhowaanay inaan isku qabsanno dhexdayada markii aanu aragnay, waayo tariikhda dunida ayay muhiim u noqondoonta

Qalfoofka “ Wonderchicken” waxa loogu magacabay u eekaanshaha sidii digaaga iyo  digirinka oo kale, waxaa laga helay Romontbos Quarry oo u dhaw qalcadda EbenEmael ee Liège, xadka Belgium iyo Netherlands.

Hadhaagan qadiimiga ah waxaa ka mid ahaa qalfoofka madaxa oo dhamaystiran iyo googo’ lugaha ah, kuna tusaya muuqaalo badn oo manta aad ku arkikarto shimbiraha nool.

Waa tusaalaha ugu da’da weyn abid awoowna u ah qoyska shimbiraha loo yaqaano ‘galloanserae’ oo sidoo kale ay ku jiraan digaaga duurka ku nool.

Helitaanka qalfoof sidaa u da’ wayn ayaan la dhacay oo an ka helay ayuu yiri qoraaga qormad  Juan Benito.

Haddii aan baaritaankaan(CT scan) lagu sameyn lahayn, weligeen maynaan ogaan laheyn inaan haysanno qalfoof shimbireed sidaa u da’wayn.

Qalfoofkani wuxa uu ina siinayaa iftiinka tooska ah ee shimbiraha casriga ahi u ekaayeen intii lagu jiray marxaladihii u horeeyey ee taariikhdooda.[ii]


[ii] Refernce:Dailymail

Tarjmadii Iyo Ururitii: Khalid Adam Abib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here