Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Dalka Oo Kulan La Qaatay Guddiga Gaadiidka

0
557

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen sii hayaha wasiirka gaadiidka,
taliyaha booliiska iyo taliyaha nabad gelyada wadooyinka, ayaa looga
hadlay tayeynta gaadiidka xamuulka ka qaada dekadda.

Go’aannada lagu gaaray kulanka waxaa ugu muhiimsan in la sameeyo goobo
gaadiidka lagu sii hayo inta ay dekadda ka gelayaan si looga baaqsado
cariiriga badan ee ay ku hayaan wadooyinka magaalada Muqdisho.

Guddi loo saaray inay ka tala bixiyaan dhameystirka shaqada ayaa la
faray inay mudda laba maalin gudahood soo dhammeystiraan hannaanka
lagu wajahayo dhaqan gelinta dhamaan qodobadii la iskula gartay
kulanka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here