Siyaad Barre Go’aanka Masiiriga ah Sidee Ayaa Uu U Gaadhi Jiray?

0
131

” Marka aan waraaqaha madaxwaynaha u geynaayo, waxaan samayn jiray kala soocid. Waxaan ogaaday in uusan jeclayn in aan la joogo marka uu boostada ka shaqaynaayo. Inta badan waxa uu xafiiska shaqadiisa qaban jiray saqda dhexe, marka ay cid kastaa seexato. Shaki ayaa iga buuxay, waxaan garan waayay waxa madaxwaynuhu uu qarsanayo. Waxa aan ku tashaday in aan xafiiska joogo tan iyo saqda dhexe si aan madaxwaynaha ula joogo markuu go’aaminayo wixii waraaqo cusub yimi.

Markuu arkay in aan danaynayo in aan ka war haynta shaqada xafiiska, ayuu inta igala xishooday inuu iska tag yidhaahdo tabtii bedelay oo bilaabay inuu waraaqaha kala sooco oo qaar kamid ah hortayda ku gudoomiyo qaar kalana meel dhigto si uu hadhaw markaan ka tago uga shaqeeyo.

Waxa igu sii waynaaday wixii aan horay u qabay taasoo ahayd in wax uun layga qarinayo. Tuhunkii aan awalba qabay waa igu sii siyaaday. Waxaan ku dhaqaaqay inaan u dhabbo galo bal nooca ay yihiin warqadaha go’aan kooda la iga fogaynayo. Kaaga daranee waraaqihii la iga ilaalinaayay inaan go’aamintooda goob joog ka ahaado gacantayday soo gelayaan iyagoo go’aankoodii ku dul qoran yahay. Xuuraan dheer oo aan galay waxaan hoosta ka xariiqay in waraaqaha odaygu jecel yahay in uu go’aankooda ku keliyaystaa u badan yihiin noocyadan soo socda……

Su’aal baan is waydiiyay taas oo ah, haddiiba go’aanku kollay ku soo mari doono , muxuu macallinku kaaga qarinayaa?

Advertisement

Waxaan ku dhaqaaqay in aan bal u dhabo galo waxa madaxwaynuhu sameeyo markuu warqadaha khaaska ah go’aaminayo.

Waxaan ugu dambayntii ogaaday, in uu haysto liis gaar ah oo khaanadda ugu jira oo uu ka shidaal qaato markuu arrimaha qaarkood go’aaminayo. Liiskaasi wuxuu ku qoran yahay Afsoomaali gacan ku qor ah, wuxuuna ku dul dhegan yahay loox qafiif ah, wuxuuna ku qufulan yahay qaanadiisa, furuhuna suun-dhabarkuu ugu xidhan yahay. Waxaan ogaaday inuu isa-soo hordhigo markuu go’aamada qadhaadh gaadhayo.

Waxaan go’aansaday in aan liiskaas gacanta ku dhigo, laakiin way igu adkaatay, maxaa yeelay, sidaan horeba u sheegay khaanaduu ugu jiraa furuhuna suunkuu ugu xidhan yahay. Maxamed Siyaad wuxuu ahaa nin ku soo barnaaray shaqada sirdoonka, sidaas darteed wuxuu ahaa nin si gaar ah ugu dheggan sirta qaranka iyo dukumiintiga. Xafiiskii waxaa layga bedelay anigoon weli ku guulaysan inaan liiskaas helo. Laakiin wali kama niyad jabin inaan helo. Xaalku waa uu ka culus yahay siduu ahaa markii aan xafiiska madaxwaynaha ka shaqaynayay. Haddii hadda la igu helo inaan liiskaas daba joogo waxaa laygu qaadayaa jaajuus shisheeyaha u adeega oo dukumiintiga sirta ah il-baadsanaya.

War iyo dhammaantiis waxaa liiskii gacantayda soo galay habeen aan dadka Soomaaliyeed intiisa badnayni faraxsanayn. Waa habeenkii odaygu uu soo dhaawacmay. Waa yaabka yaabkiisa ee waxaan liiskii ka helay; halku dhigyo aan weligay maqli jiray kuwaas oo ah:

1. Soomaaliya Soomaalibaa leh

2. Gaajo gunnima leh Iyo gunnimo dhereg leh

3. Dagaal wiil ayaa ku dhintee wiil kuma dhasho.

4. Hadal yar iyo hawl badan ayaa horumar leh.

5. Hadiyadi waa laaluush qarsoon

6. Gaajo, jirro iyo jahli waa yoolka kacaanku uu tooganaayo.

7. Qani nimo qof helo waxaa ugu wayn adoo dalkaaga taariikh fiican ka dhaxla.

8. Wax Soomaali wayn ka yar ima deeqdo

9. Reer ma rabee qof qiimo leh baan rabaa.”

Maxamed-Gacamey Aadan Cali. Xoghayihii gaarka ahaa ee madaxwaynaha.

Buugga ‘Aan Sheego Wax Sheellanaa’.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here