Siyaasad-Soomaali iyo Diin-Soomaali baa maaro ah.

0
133

Ummadda dhaqankeeda ayaa hoggaamiya feker-maskaxeedkeeda iyo fal-gacmeedkeedaba. Aqoonteeda iyo kartideeda, siyaasaddeeda iyo maamulkeeda, horumarkeeda iyo ilbaxnimadeeda, higsigeeda iyo habnololeedkeeda oo dhan. Ummaddii dhaqan wacani wey nolol wacan tahay tii dhaqan xunina wey nolol xun tahay.

Waxaad fahmi doontaa marka aad dhaqankii qummanaa ee Soomaalida dib u eegto, kaas oo lahaa xeerar isugu jira: maalgelin, dhiig-joojin, ubad-dhawr, hantiwadaag, hiil, waxqabad ikk.

– Maalgelin: kaalo, gaafo, dhibaad, yarad, seko ikk.

– Dhiigjoojin: mag; qudhwadaag/qaadhaanwadaag, godobreeb, magdheer, xeer-isku-duudsi ikk.

Advertisement

– Ubad-dhawr: dumaal, xigsiisan ikk.

– ciidan: cududqaybsi, qabaaljiid, shubaal ikk.

– Hantiwadaag: gaadiidceshi, maashi, muuno ikk.

– Hiil: dhac iyo dhicin, iskuduubni, gargaar ikk.

– Waxqabad: agabka baahiyaha nololeed oo dhan.

Ummad dhaqankeedii ka cararaysa oo dhaqan qalaad ku ordaysa ilbaxnimo iyo horumar laga sugi maayo ee aayaheedu waa burbur iyo jiritaanla’aan.

W/Q: Nuur Illeeye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here