Soddonjirka Dhulbahante ee Nugaal joogaa muxuu sugayaa tolow

0
147

Run ahaan xalka noloshu waa dagaal. Wax waliba waxa lidkooda ah ayey dagaal kula jiraan waxaana arrimiya wixii dagaalka ku guuleysta; gar iyo gardarro, gobanimo iyo gunnimo, nabad iyo colaad, ladnaan iyo baahi iwm. Qofkii aan rabin in uu dagaallamo xaq uma laha in uu ku noolaado dunida.

Asalka dabeecadda waa la isla yaqaan waxa xaqa ah iyo waxa baadilka ah se kudhaqankooda sharci ahaan waxaa dejiya cidda awoodda leh, waa maragmadoon in ciddii awood yar la dulminayo, ciddii aan wax iska celinna la gumeynayo, waa aragtida ah “the survival of the fittest” ama “kii roonow reerka u hadh” gobanimada baryo laguma helo, nabadduna waa wax lagu tijaabiyo heerka awoodeed ee cidi leedahay oo inta tamartaadu le’eg tahay baad badbaado helaysaa.

Qof gun ah oo sayid addoonsadaa leeyahay nabad kama hadli karo oo xoolaha in caws iyo biyo la siiyo ama la qasho waxaa ka weyn in la leeyahay. Qof aan xor ahayni habnololeed iyo maarayn hawl adduun kama fekeri karo. Wuxuu yidhi gabyaa Bidde F. Gaas – EHN – ;

“Gobanimadu tarandaca adduun waa tan ugu weyne

Advertisement

Tijaariyo nin maalliyo ka roon tol iyo reerreer e

Tunkaa laga raraa qoladii aan tiigsanoo heline

Tayana ma lehe sida xoolahaa loogu taliyaaye.”

Dadka inta naftooda, maalkooda iyo dhulkooda lagu soo weeraray ee xorriyaddii Eebbe u dhaliyey laga qaaday, halkii ay wax iska dhicin lahaayeen, jahliga ka buuxa ay fuleynimadu aqoon uga dhigtay ee sida dumarka iyo carruurta qaxa, waa dad dulli ah oo aan karaamo lahayn. Adduunkana gunnimo weyn bey ku jiraan, aakhirana hoog baa u sugnaaday. Maxey tahay maanta aqoonta dalka taalla ee dirirta gobanimo kuu diidaysaa?

Qofku nolol heli maayo, oo feker qurux badan aayahiisa kuma saadaalin karo, waxa cidda gobanimadiisa weysiisey rabto mooyee isagu waxa uu rabo ma odhan karo, qofku guuldarro nololeed buu weligii ku jirayaa haddii uu milgihiisa nololeed dhiig ugu cillaaman waayo oo uu nafta u huri waayo. Wax aan xusuustay, gobanimada kolkii aynnu ku dhalannay, waxaa ku lammaanaa waajibka difaaceeda oo qiimaha ruuxdaada lagu sargooyey. Xornimada iyo gobanimadu iskama waarto ee ilaashi bey rabtaa.

Aqoonta runta ahi waa in ay qofka gunnimada ka celisaa oo garaadkiisa u carbisaa jihada dariiqa gobanimadu ku carceero, ma aha in ay maankiisa u tababarto gunnimada oo ay soo saarto qof qalbiga addoonnimo uga diyaarsan. Xorriyaddu waa hawada ruuxda oo la’aanteed nolol milgaheed suuragal ma aha, qofka xorriyadda naftiisa, maalkiisa, maxastiisa iyo dhulkiisa badbaadintooda nafta u huri waaya ee gunnimada ku raalli ahaadaa waa ehelunaar dulli ah oo Ilaahey agtiisa aan sharaf ku lahayn. Wuxuu yidhi Gabyaa Khaliif Sh. Maxamuud – EHN – ;

“Marka hore ha moogaan abhini waa mid waajiba e

Marse haddii marwada aad qabtiyo milcistu yuunaasto

Haddii aadan mintidin Jahannamaa lagugu muufayn e!”

Waa run haddii aad qaayibto dullinimo aan Eebbe ku badin in aad aakhirana ku dulleysnaan doonto. Difaaca aad qodobbadan sare u gashaa waa jahaad xaq ah oo Eebbe hortiisa aad gar ku heli doonto, waxaana sidaas ku jira damiirka iyo dadnimada qumman ee dhammayska tiran. Haddii aad u dagaallami weydo cabsi darteed waxey ka dhigan tahay in aad Eebbe aad u shirki yeeshay oo wedkii laguu qoray mid ka sokeeya ayaad aammintey dabadeedna ka baqday! Iimaankaagu ash ma aha waxaana caqligu qirayaa in camalkaaga oo dhani burayo maadaama aad shirki ku jirto, sow adigan xorriyaddii Eebbe ku siiyey qofku kaa qaaday ee addoonnimadii Ilaahey keligii kugu lahaa cidda ka sokaysaa ku addoonsatay!

Miyeysan gar ahayn in aynnu is weydiinno masaladii Hitler intii uusan halganka bilaabin ku tiraabay mid u dhiganta waa sidan e: “soddonjirka Dhulbahante ee Nugaal joogaa muxuu sugayaa tolow!?”

Anigu Nuur ahaan waxaan hadal ku soo koobay;

Haybtiyo dirkaa lagu hantaa deyr kalsooniya e

Damaca iyo jiritaanku waa dookha nololeede

Dullinimo ma qaayibo qof aan dhiman damiirkiiye

Derejada xorriyadeed ayaa lagu dedaalaaye

Dan waxaa u weyn gobanimoo lagu dawoobaaye

Diif adoo u meydaa ka roon duquska quudheede

Dacar lama macaansado adoo dagay naftaadiiye

Duruufaha yaryari waa magaan dabarradiisiiye

Dulmigiyo cadligu waa labaan deris wadaageyne

Amar diristi iyo waa sinnaan kaladeg maamuuse

Col is daawan karayaa ma jiro nabad daraaddeede

Dagaal waxaan ahayn laguma helo doonis taada ahe

Anna waxaan u dooyeynayaa waan darbaysnahaye

Deynkaygi lala goostay baan raacdadaw diriye

Intaan dunida noolahay xaqaan daba gelaayaaye

Qofkii ila dareenee jirow kaalay dacalkayga

Kii cadowga doonaayayow dabinku kuu qoolan

Duudsiga midkaw aamusow dan iyo xeeshaada

Damiinkow bal toos xaalku yuu kaa dednaan abide

Dooddayna xidhan hadalku waa diirad leeyahaye.

W/Q: Nuur Illeeyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here