Soomaalida meel kasta ha joogto xilligan waxaa aad loo hadal hayaa dhalinyaro badan oo tacab badan waalidkood geliyeen laakiinse maanta xaalado halistooda leh ku sugan

0
326

Goob kasta oo Soomaali joogto waxaa aad looga hadal hayaa qaabka ugu wanaagsan ee caruurta loo bari karo diintooda, haday noqon lahayd Qur’aanka Kariimka ah iyo Caqiidadooda.

Arrinta aadka u soo noqnoqtaa ayaa waxay tahay qaabka caruurta Qur’aanka loogu dhigayo iyo qaybaha kale ee diinta, waalidiin badan waxay ku dadaalaan in caruurtoodu Quraanka xifdiyaan oo yoolkoodu waxa uu yahay 30ka Jusba in uu dusha ka qabto , xaflad loo qabto, waalidkii ku mabsuudo in ilmihiisii Qur’aanka dhammaantii dusha ka qabtay, oo ka qayb galo tartanada Qur’aanka Maansha Allaah qaabkaas laysugu hanbalyeeyo.

Waxaa dhacda in Cunugaasi Qur’aankan dusha ka haya aanu macnihiisa aqoon taasina ay ka dhigto ilmihii Faras Malab xanbaarsan. Waxaa intaas u dheer in aanu ilmihii xanbaarsanayn difaac kale oo caqiiqadiisa ilaalinaya.

Muddo ka dib marka ay caruurtii koraan ee ay dhibaatooyin tiro badan oo dhinaca nolosha ah la soo gudboonaadaan qaabkii uu u maarayn lahaana ku adkaato, difaacii aqooneed ee diiniga ahaa ee uu adeegsan lahaana ee uu isku xakamayn lahaana aanu maskaxdiisa ku daadegin waxaa ka dhasha dhibaatooyin waaweyn oo hadhow dadku badan koodu is weydiiyaan.

Advertisement

Waxaa imanaysa in laysu tilmaamo oo su’aalo layska weydiiyo oo la yidhaahdo maxaa ku dhacay wiilkii ina hebel xaafidal qur’aan ayuu ahaaye, waa kolka la ogaado in uu ku talaabsaday falal aan qurux badnayn oo qaarkood uu xabsiyo ku galay.

Soomaalida meel kasta ha joogto xilligan waxaa aad loo hadal hayaa dhalinyaro badan oo tacab badan waalidkood geliyeen laakiinse maanta xaalado halistooda leh ku sugan, waa arrimo badan oo is xanbaarsan qof aan la gelin tacab badan iyo qof tacab la geliyeyba waa jiraan, qof aan lagu dadaalin oo dhawrsan waa jiraa, haddana xilligan la joogo xifdinta oo kaliya in aan culayska la saarine dhisida caqiiqdada iyo beerista iimaanka in lagu daro si loo helo jiil iska difaaci kara mawjadaha xilligan ee aadka u soo burqanaya, ee ay aadka ugu soo badanayaan

bulshada Soomaaliyeed iyo dunida Islaamka iyo Jaaliyadaha dadka aan ilaahayba rumaysnayn ee mulxidiinta ah.Bulshooyin badan waxay caruurtooda wax u baraan qaab ay uga sii fakaraan Mustaqbalka danbe, Waxay baraan akhriska qur’aanka , waxay xafidsiiyaan ugu badnaan shan jus, intaa wixii ka danbeeya caqiiqadada iyo tafsiirka qur’aanka ayey baraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here