Soomaalidu Iyadaa Cadow Isugu Filan

0
376

Bangiga Dhexe ee Somaaliya waxaan ku bogaadinayaa dawrka uu ka muujiyey difaaca Bangiyada Soomaalida ee lagu beegsanayo curyaaminta dhaqaale ee waddanka.Muddadaan dambe waxaa soo ifbaxaya Reports ay qoreen saxafiyiib ajnabi ah iyo hay’ado si guracan u danaynaya curyaaminta dhaqaale ee waddanka oo awalba ku tukubayey ula booc ah.

Report-kaas xoogoodu waxay cuskanayaan warar ku-tiri-ku-teen ah (Anecdotal Evidence) iyo Financial Statements and Transaction Receipts been abuur ah.Bangiga Dhexe isagaa ah hay’adda sharciga ah ee korjoogtaysa dhaqdhaqaayda Bangiyada kana hesha Report-yo joogto ah. Haddii ay jiraan bangiyo ku xadguba sharciga, waxaa keliya oo tallaabo ka qaadi kara Bangiga Dhexe.

Bartiisa Twitter-ka (Link-ga hoose) wuxuu ku faafiyey Bangiga Dhexe Press Release kuu ku caddayno in warbixinahaasi been abuur yihiin.Waxaa nasiib darro ah in ay jiraan Soomaali wax magarad ah oo colaad shakhsi ay u qabaan Shirkada qaarkood darteed sameeya buunbuunin iyo faafin wararkaas been abuurka ah.

Dhaqaakaha iyo nolosha Soomaalida Rabbi kasokoow waxay ku tiirsan tahay Shirkadaha Ganacsiga ah, gaar ahaan Bangiyada, Xawaaladaha iwm. In laga shaqeeyo wixii dhaawac u geysanayaa waa qaran dumisnimo.

Advertisement

Haddii ay jiraan xad gudubyo ka dhaca Shirkadaha qaarkood (Banii’aadam oo dhan baa gefi kara), waxaa jira waddooyin sharci ah oo loo maro in wax looga qabto.Megaphone ha u noqon, iyo Platform shisheeyuhu u isticmaalo burburinta danaha iyo dhaqaalaha ummadda Soomaaliyeed.

WQ: Dr. Mohamoud A Mohamoud

https://twitter.com/CBSsomalia/status/1318997413953232898…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here