Dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkeedu dhamaaday ayaa maanta ku dhawaaqday inay dib u soo celisay xiriirkii Diblomaasiydeed ee kala dhexeeyey dowladda Kenya, kadib wadahadal mira dhalay oo ay yeesheen madaxda labada dal, kaasoo ay garwadeen ka aheyd dowladda Qatar.
Wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Al cadaala oo la hadlay warbaahinta ayaa ku dhawaaqay go’aanka lagu soo celiyey xiriirka labada dal.
