Suudaan oo qorsheyneysa inay maxaabiis ku wareejiso Itoobiya

0
79

Muqdisho (Walwaal.com)- Dowladda Suudaan ayaa qorsheyneysa inay Itoobiya ku wareejiso 60 maxbuus oo lagu qabtay iska hor imaadyadii ka dhacay xuduudda labada dal tan iyo bishii November.

Qorshahaan maxaabis wareejinta ayaa lagu waday inuu dhaco isbuucaan laakin waxaa ku yimid dib u dhac, waxaana  laga dhigay isniinta soo socota, sid ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan ciidamada Suudaan.

Ciidmada Suudaan ayaa sheegay in tillaabaadan caddeyn u yaahy sida Suudaan ay diyaar ugu tahay deris wanaag iyo iskaashiga  labada dowladood.

Bilihii lasoo dhaafay, wax aka socday xuduudda Suudaan iyo Itoobiya isku dhacyo hubeysan, iyadoo  Suudaan sheegatay inay soo ceshatay dhul hore looga hestay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here