Taliska Ciidanka xoogga dalka oo sheegay inay dileen Saraakiil & Xubno Shabaab ah

0
29

Dagaal culus ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu ku dhex-maray degaanka Qayacad oo qiyaastii sideed KM. ujirta degaanka bacaadweeyne ee gobolka Mudug Ciidamada dowlada Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa Galmudug & Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo lahadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaa sheegay in Al-shabaab howlgalkii maanta looga dilay 35 Xubnood iyo Saraakiil sidoo kale tiro kale ay ka dhaawaceen.

Taliyaha ayaa xusay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay aAl-Shabaab  kafurteen saanad ciidan islamarkaana howlgallada ka dhanka ah ay ka sii socon doonaan degaannada Gobolka Mudug.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab kawada degaano katirsan gobolada Mudug iyo Galguduud ee maamulka galmudug howlgaladaasi oo ay qeyb kayihiin ciidamadda Daraawiishta iyo Nabadsugida Galmudug.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here