Taliyaha Sirdoonka Eriteria oo safar qarsoodi ah ku yimid Muqdisho & Ujeedkiisa

0
398

Muqdisho (Walwaal Online)- Sida xog hoose aan ku helnay, waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray taliyaha ciidanka Militariga Itoobiya qeybta Oromada Generaal Adem Mohamed iyo taliyaha ciidanka Sirdoonka Eriteria Mekonen.

Laba diyaaradood oo ka kala yimid dalalka Itoobiya iyo Eriteria ayaa xalay  maqribkii ka soo degay Garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.

Labada taliye oo ku sugan Xarunta Taliska NISA ee Habar Khadiijo ayaa halkaas kulan kula leh taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo ah milkiilayaasha Dowladda Soomaaliya.

Xogaha aan helay intaas waxay kusii darayaan in sababaha keenay imaashaha saraakiishan ay ka dambaysay kadib, ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamo Soomaalia ah ay ku dhinteen dagaalkii Itoobiya ka dhacay ee u dhaxeeyay Federaalka iyo kuwa Tigreyga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here