TALLALKA COVID-19 IYO DAAWAYNTIISA

0
230

Tallaalka lagu joojinayo faafitaanka COVID-19 ayaa la bilaabaya in lagu tijaabiyo bini-aadamka, laakiin khubaradu waxay ka digayaan in uu qaadanayo mudo bilo ah.

Muqdisho (walwaal online), Maaddaama mas’uuliyiinta caafimaadka iyo dawladuhu ay isku dayayaan inay yareeyaan faafitaankiisa, cilmi baarayaashu waxay aad u fiirinayan SARS-CoV-2 oo sababa cudurka Coronavirus.

Tan iyo markii ugu horreysay ee la ogaadey inuu yahay shayga keena ee sababa  cudurkan cusub, saynisyahannadu waxay u tartamayaan inay helaan faham wanaagsan oo ku saabsan hidahiisa, sida uu u waxyeeleyo unugyada iyo sida wax ku ool ah ee loo daaweyn karo. Waqtigan xaadirka ah ma jiro daawo, iyo takhasus caafimaad oo daaweyn kara calaamadaha cudurkan.

Soo saarista tallaal cusub waqti ayey qaadataa, waana in si adag loo tijaabiyo loona xaqiijiyo iyada oo loo marayo tijaabooyinka kala duwan ka hor inta aan si caadi ah loogu adeegsan bini-aadamka. Anthony Fauci, oo ah agaasimaha Machadka Qaranka ee Xasaasiyadda iyo Cudurrada faafa ee dalka Mareykanka, ayaa si joogto ah u sheegay in tallaalku ugu yaraan qaadanayo sannad ilaa 18 bilood. Khubaradu waxay isku raaceen inay jiraan dariiqooyin loo maro weli.

Advertisement

Tallaalku aad buu muhiim ugu yahay la-dagaallanka cudurrada. Waxaanu awoodnay in aan gacanta ku hayno xanuuno badan oo fayras ah mudo tobanan sano ah, sababta oo ah horumarinta tallaalka.

Xitaa sidaas oo ay tahay, waxaa jira jahwareer iyo kalsooni darro ku saabsan waxtarkooda. [i]


REFRENCE: cnet.com

[i] Tarjamadii: KHALID ADAM ABIB

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here