Tarbiyada Caruurta iyo Dhaqanka Soomaalida

0
364

Nincooyinka Rabbi siiyo dadka kuwa ugu muhiimsan uguna qiima badan waxaa ka mid ah ubad wanaagsan oo ehelkood, dalkooda iyo Islaamkaba wax tara.Dhaqanka Soomaalida kuma jirto dariiqo ilmaha loo xanaaneeyo ama loo tarbiyeeyo. Ilmaha inta badan waa la dhalaa kadibna dariiqa ayaa lagu sii daayaa. Markay ugu roon tahay waalidku wuxuu ku dadaalaa in cunto iyo dhar ay xirtaan la siiyo.

Dhanka waxbarashada, dugsi Qur’aan iyo iskuul waa loo diraa, lagamse daba tago. Waalidku inta badan lama socdo ilmuhu waxay bartaan iyo sida ay waxbarashada ku yihiin.Dugsi ama iskuul hadaysan lahayn sida xoolaha baa dariiqa lagu sii daayaa. Dhaqanka ka mid ma ahan in ilmaha la geeyo meel ay ku ciyaaraan, agab ay ku ciyaaraan iyo barnaamij lagu wacyi gelinayo oo wacyigooda iyo garaadkooda kor loogu qaado.

Dhaqanka ka mid ma ahan in waalidku ilmaha la sheekaysto, tusaaleeyo, si degan oo qorshaysan wax ugu sheego, la saaxiibo ama hoos uga warhayo. Aabuhu guriga markuu yimaado waa ciyaalku kala cararaan oo ka dhuuntaan si aan loo canaanan.Aroortii hore iyo duhuradii marar badan waxaa sii maraa caruur aad u da’ yar oo meelo qashin ah dhex taagan iyagoo qaar cago cad yihiin!Waa suurta gal in waalidka ilmahaas uu nolosha la xarbinayo oo uu ku xiiqsan yahay sidii waxay subaxaas ku quraacdaan loogu heli lahaa.

Haddana waxaad isweydiinaysaa hadduusan waalidku ogayn sida ilmihiisu u nool yahay ee meesha uu ku sugan yahay, la socon koboca garaadkiisa iyo tarbiyada akhlaaqeed ee ilmaha, maxay soo kordhinaysaa in ay sidii digaagii ilmo badan oo tayo iyo tarbiyadba liita iska daadiyo?

Advertisement

W/q: Dr-Mohamoud Mohamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here