Twitter oo Joe Biden ku wareejinaya koontooyinka Madaxtooyada xitaa haddii uu Trump xilka wareejin waayo & mudnaan uu waayi doono

0
82

Walwaaal Online; (San Francisco) 22 Nof 2020 – MW Maraykanka ee Donald Trump ayaa la sheegay in laga wareejin doono koontooyinka Madaxtooyada dalkaasi sida kuwa @POTUS Twitter oo loo gacan gelin doono Joe Biden wixii ka dambeeya 20-ka Jannaayo oo ah caleemo saarkiisa.

Afhayeen u hadlay Twitter oo u warramay Reuters ayaa sheegay in wakiilladoodu ay kulan la qaateen guddiga kala guurka ugu qaybsan Biden si ay isula meel dhigaan tafaasiisha ku saabsan sida loogu wareejinayo koontooyinkan, taasoo ay ku jirto inaan koontooyinkaa lasoo gelinin xogo ka socda Maamulka Trump.

“Waxaannu geeddi socodkan la kaashanaynaa Hay’adda Aarkiifiyada iyo Diiwaanka Qaranka (NARA)”. ayuu yiri afhayeenka Twitter.

Trump oo badiyaa isticmaala Twitter-kiisa gaarka ah @RealDonaldTrump, kaasoo leh 88.9 milyan oo raace, balse wuxuu sidoo kale isticmaalaa koontada rasmiga ah ee Madaxtooyada oo wadata 32.8 milyan oo raace.

Advertisement

Twitter ayaa lagu wadaa inuu dib ula wareego koontooyinka madaxwaynaha @POTUS, sidoo kale @WhiteHouse, @VP [MW Xigeenka], iyo @FLOTUS [Marwada Koowaad] ayaa eber lagu soo celin doonaa marka la gaaro 20-ka Jannaayo, sida uu qorayo Politico.

Dhanka kale, Donald Trump ayaa sidoo kale waayo doona xitaa mudnaanta gaarka ah ee koontadiisa gaarka ah marka uu xilka ka dego, ee aanu ahayn “qof warkiisu qabasho leeyahay”.

Twitter ayaa wuxuu si gaar ah ula dhaqmaa madaxda, musharixiinta iyo saraakiisha dooran ee haysta wax ka badan 250,000 oo raace, kuwaasoo ka nabad gala in koontooyinkooda la xiro, la xannibo ama la mamnuuco marka ay ku tuntaan xeerka Twitter-ka.

Yeelkeede, Trump ayaa dadka caadiga ah la mid noqon doona marka uu xilka ka dego, sida uu ballan qaaday Twitter oo 12 qoraal oo shaki gelinaya geeddi socodka doorashada Maraykanka ka tuuray boggiisa todobaadkii hore oo qura.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here