Waa kuma siyaasi?

0
344

Ereyga “Siyaasi” af soomaaligii hore waxa uu ku lahaa macne foolxun oo ah “Khaa’in” ama “Sirlow”, laakiin macnaha uu maanta leeyahay waa fasiraadda uu carabiga ku leeyahay ee ah “Qof saameeya arrimo guud ee dad badan ka dhexeeya”. Siyaasi afafka qalaad ma aha khiyaano iyo sir ee waa qof hibo maskaxeed u leh in uu ka doodo ama uu ka shaqeeyo waxyaalaha dadka guud ka dhexeeya.Waxaa la sheegaa dadka siyaasadda hibada u lihi in ay aad uga dabci duwan yihiin mufakariinta ama fiilasooyiinta oo ay siyaasiyiintu xoogga saaraan in xilliga ay kursi joogaan loo kordhiyo ama uu heerkooda jago kor u kaco.

Siyaasiyiintu badanaaba jagada ay joogaan iyo mid ka sarraysa ayey ku mashquulaan, halka ay mufakariinta ama fiilasoofiyiintu aragti dadka kale ka qarsoon qeexaan ama dhirindhiriyaan oo marka ay qeexaan ka dib laga wada faa’iido runtoodaas inta ay noloshu jirto oo dhan. Ka la duwanaanta siyaasiga iyo mufakirku waxa ay caddaynaysaa in uusan qof siyaasi ahi badanaaba nolosha aragti ku soo kordhin ee uu jago uu raadiyo iyo baratakool uu dad ku la shirshiro wakhtigiisu ku dhammaado.

Qof kastaa arrimaha ama waxyaalaha uu hibo ahaan u leeyahay ka ma uu daalo oo haddii aad aragtid arrin ay naftu sii wadi weydo oo lagu daalo waa hawl uusan qofku u samaysnayn ama uusan hibo u lahayn. Waxa uu qof ku fiican yahay ama uu hibo u leeyahay wakhti dheer buu ka shaqayn karaa isaga oo aan dareemin caajis iyo dhibsi oo tusaale ahaan qofka in uu hadal diyaariyo ama uu hal-abuuro u dhashay waxa uu qoraal ku mashaquuli karaa xilli dheer oo uusan daalayn. Qofka siyaasadda u abuurani ka ma uu caajiso shirarka iyo wada xaajoodyada. Ka ma uu caajiso doodaha iyo isdhaleecaynta kooxaha siyaasadda.

Ka ma uu caajiso khudbooyinka iyo jeedinta hadallada. Ka ma uu caajiso qaabbilaadda dad badan iyo in uu dad badan iyo buuq ku dhex jiro xilli dheer. Ka ma uu caajiso u tartanka mansabyada iyo isriixriixa jagooyinka. Haddii laga gol roonaado ama laga guulaysto oo uu khasaaro ma uu quusto ee xal kale ayuu dhan kale ka sii raadiyaa.Haddii aad siyaasi u abuuran tahay oo aad hibadaaas leedahay kugu ma badna in aad lacag musuqmaasuqdid oo siyaasiga runta ahi ganacsade xoolo doonaya ma uu aha, ee waxa uu dareemayaa in uu dadka iyo xoolohooda oo isku duuban dusha ka koontaroolo. Waa been in ay siyaasadda ku badan yihiin beenta iyo luggooyadu oo siyaasiga dhabta ahi ma aha beenaale ku andacooda waxyaalo aysan dadkiisa dani ugu jirin oo aan sal lahayn.

Advertisement

Qofka inta uu wax aammino ama iska dhaadhiciyo aan laga fujin karini siyaasi u ma abuurna oo qofka siyaasiga ahi waa uu isbedbeddelaa, oo afkii uu qof shalay ku maagay buu maanta ku ammaanaa. Taas macneheedu ma aha in uusan siyaasigu qawl iyo mabda’ lahayn oo uu harka labadiisa gelin yahay, ee waa in uu isla beddelo duruufaha ay maslaxadda siyaasadeed ku jirto. Waxaaba siyaasinimada ka mid ah in uu qofku leeyahay yool uu higsanayo oo ay waddadii mustaqbalkiisa siyaasadeed hortiisa ka muuqato.Ugu danbayn siyaasiyiinta laftoodu isku qof ma aha oo hal dabci ma wada laha oo mid baa fule ah, midna waa geesi. Mid baa afgarooc ah, midna waa codkar. Mid baa dul daban, midna waa xaruuri. Mid baa bakhayl ah, midna waa deeqsi. Mid baa aammus badan, midna waa daroori.

Mid baa khaa’in ah, midna waa daacad. Mid baa af xun, midna waa uu dhawrsan yahay. Mid baa fidmo iyo qalalaase badan, midna waa qof nabadeed. Si kasta oo ay u ka la geddisan yihiin waxaa ka dhexeeya in aysan ka caajisin ama ka daalin in ay arrimo guud ka shaqeeyaan.

W/Q: Al-Sharaf Bile Qaboowsade

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here