Warbaahinta dowladda oo laga tiray Warka dilka Madaxweynihii dalka Chad & Falcelin ka dhalatay

0
125

Muqdisho (Walwaal.com)- Warbaahinta dowladda Soomaaliya gaar ahaan Baraha Bulshada sida Facebook ayaa saacad ka hor lagu soo daabacay Wararka ku saabsan dilka Madaxweynihii dalka Chad Idriss Deby, hayeeshee qoraalada warkaas laga saaray Tv-ga Qaranka iyo Radio muqdisho.

Dadka aragtida ka dhiibanayay Qoraalka warka dilka Madaxweynihii dalka Chad oo muddo 30 sano xukumayay dalkaas ayaa waxaa ay badi sheegayeen in wadadaas uu ku socdo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo an weli doorasho qaban.

Kadib markii dad isugu jira Xildhibaano siyaasiyiin iyo dadyow kale ay Baraha Bulshada ku fafiyeen in Warbaahinta dowladda gaar ahaan Baraha facebook laga saaray Warka dilka Madaxweynihii dalka Chad ayaa hadana warkii lagu soo celiyay.

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Golaha Shacabka iyo dadyow kale ayaa ka hadlay sida sababaha Warbaahinta dowladda looga saaray Warka ku saabsan dilka Madaxweynihii dalka Chad wallow markale dib loogu soo daabacay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here