Wasiir Jamaal iyo Afhayeen Dabaraani.

0
126

Halyeygii muslimka ahaa ee Ameerikaanka madow u halgami jiray ee la odhan jiray Maalcom Ekis ayaa mar uu ka warramayay qaabka caddaanku ay dadkiisa u gumeeyaan iyagoo adeegsanaya “Qaybi oo xukun” dhaqanka ah ayaa waxa uu sheegay in labo madow ah mid ay wax u dhiibaan mid kalena ay qadiyaan.

Marka mid hadlo ka kale ayay u tagaan oo weydiiyaan ra’yigiisa ku saabsan ninka hadlay iyaga oo raba inay isku soofeeyaan. Kiina, ileen waa nin caddaan iska dhaadhicinayee, Ninkii kale ee ay isku midabka ahaayeen ayuu daf yidhaahdaa oo afka goostaa oo dhaliil uu huwiyaa.

Caddaanku markaas ayay bilaabaan inay daawadaan labadii oo isu jawaabaya oo isku mashquulay.

Haatan, Jamaal oo la ogyahay waxtarka tolkii iyo magaca uu ku dhex leeyahay, isagoo ay muuqato in uu yahay xiddig tolkii u soo baxay oo hoggaamintiisa iyo kartidiisa ay in badani ku qanceen ayaa Deni oo raba in uu kursigii xildhibaanka federaalka uu u dhiibo mid uu sida adhiga dhegta soo qabtay, ayuu wasiirku malaha dhaliilay oo iska dhiciyay.

Advertisement

Deni waxba ma odhane inta uu Dabaraani oo Jamaal la tol ah wacay ayuu yidhi ninkaas wax ka dheh.Sidii ninkii Maalkom sheegay ayuu isna inaadeerkii daf yidhi. Deni kursigiisa ayuu iska fadhiyaa oo salool ku cunayaa oo daawanayaa tolka isu jawaabaya sidii caddaanku yeelayay qarnigii hore.Gunnimadu meel walba oo ay joogto iyo qarni walba oo ay jirto way isu egtahay.

WQ/ Cabdicasiis M. Jaamac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here