Wuxuu doonay inuu wiil helo, ka dib 5 gabdhood markii laysugu xejiyey

0
59

Muqdisho (Walwaal online) -Sida ay tebinayso badi ba warbaahinta aduunku nin u dhashay dalka hindiya ayaa dooxay xaaskiisa oo uur lahayd, bal si uu u ogaado waxa uu yahay ilmaha uurka ku jiraa.

Sida ay sheegeen qoyska iyo qaraabada haweenaydu ninku wuxuu had iyo goor dooni jirey sidii uu u ogaan lahaa ilmaha uurka ku jiraa bal waxa uu yahay, maxaayeelay wuxuu aad u dooni jirey in uu wiil yeesho ka dib markii xaasku u dhashay 5 hablood oo isku xiga.

Ninka waxaa loo taxaabay jeelka markii uu dooxay haweenayda ilmihii uurka ku jireyna uu dhintay. Arintani waxay ka dhacday degmo lagu magacaabo Badaun  oo ka tirsan gobolka Uttar Pradesh, gobolkaasi waa mid ay ku dhaqan yihiin  dadka u badan waqooyiga Hindiya.

Sida ay sheegeen saraakiisha boolisku, caafimaadka haweenayda la dooxay wuu soo hagaagayaa waxaa na haweenayda lagu daweynayaa cisbitaal ku yaalla magaalada Delhi.

Advertisement

Sida laga soo xigtey haweenayda walaasheed, waxa  ay sheegtay in markasta lamaanuhu ku murmi jireen nooca ilamaha dhalan doonaa, hayeeshee ninku wuxuu sheegay in birta dooxday haweenaydu ay ahayd mid uu ku tuuray oo af leh uusana moodayn in ay wax yeelayn doonto.

Wadanka hindiya oo ah waddamada habluhu ugu dhalasho badan yihiin ayaa ah waddan ay badantahay dhibta dumarka loo gaystaa waxayna qaramada midoobey qiyaas ku sheegtay in sanad kasta, in ka badan 460,000 oo gabdhood caloosha hooyooyinkood laga soo xaaqo halka ku dhawaad 46 malyan gabdhood la la’yahay halka ay jaan iyo cidhib dhigeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here