XEERARKA QURUXDA BADAN EE XISAABTA

0
228

Waxaa Qoray: usuf Cabdi Fataax

Muqdisho (Walwaal online), Xeerarka quruxda badan ee xisaabta waxaa ka mid ah ka oranaya; (sinα)² + (cosα)² = 1
Waxaa yaab leh, si kaste oo qiimaha xagashu (α) isu beddelo, wadarta labajibbaarka sinus:ka iyo cosinus:ka xagashu mid (1) ayay taagan tahay weligeed.
Saddex tusaale, oo qiimaha xagashu aad u kala duwan yahay, aynu eegno marka hore.

Tusaalaha 1aad: α = 0⁰.
sinα = 0, cosα = 1
(sinα)² + (cosα)² = 0² + 1² = 1

Tusaalaha 2aad: α = 45⁰
sinα = cosα = √2/2.
(sinα)² + (cosα)² = (√2/2)² + (√2/2)² = 2/4 +2/4 = 4/4 = 1

Advertisement

Tusaalaha 3aad: α = 90⁰
sinα = 1, cosα = 0.
(sinα)² + (cosα)² = 1² + 0² = 1

Haddaba, maxay sidaan u tahay mar walba?
Arrinku wuxuu fududaanayaa marka aynu eegno goobada gacankeedu yahay ”r”. Meel kaste oo goobada xadkeeda laga istaago, bartamuhu wuxuu u jiraa ”r”. Xagashu hadday yaraato ama korodho, waxaa is beddelaya dhinacyda (ballac iyo joogga) saddexgeesta qumman ee ”r” matalayso dhinaceeda dheer, eeg sawirka.
Sinus iyo cosinus waxay sheegayaan qiimaha joogga iyo ballaca. Xeerka Pythagoras ayaa xiriirka ka dhexeeya dhinacyada saddexgeesta qumman ku sheegay a² + b² = c². Halkaan r ayaa inoo metalaysa c.
Waxaa inooga muuqata hoos in (sinα)² + (cosα)² = 1 ku tiirsan tahay xeerka faca weyn ee Pythagoras.”

Ustaad Siciid Haaruun cashiradii xisaabta waan u xiisnay ee maad naga soo garbaxdid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here