Xil ka qaadistii Kheyre oo laga faa’iideestay iyo Xilal si hoose loo magacaabay.

0
575

Xil ka qaadistii Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa keentay in wasiirada qaar ka faa’iideestaan iyagoona magacaabay xilal kala duwan ay ka safeen dad u badan kuwa xigto iyo asxaab yihiin.

Wasiirka Arimaha dibadda Xukuumada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kamid ah Wasiirada ka faa’iideestay bixitaanka Kheyre, waxa uuna Wasiirka magacaabay xoghayaal Safaraadeed iyo la taliyaan.

Waxaa xusid mudan in magacaabista xubnahan uu sameeyay Wasiirka markii kalsoonida lagala noqday Xukuumada Soomaaliya kadib , hasa ahaatee Wasiirka ayaa taariikhda magacaabista bedelay isagoona ka dhigay mid ka horeesay dhicista Xukuumada.

Wasiir Cawad ayaana ka dhigay magacaabista xubnahan kala duwan 23-ka bishii hore ee July halka xukuumada kalsoonida lagala noqday isla bishii hore 25-keeda , waxa ayna ka bixitaanka kheyre Xukuumada Wasiirada qaar u noqotay fursad weyn.

Advertisement

Halkan ka Akhriso Magaacbista uu sameeyay Wasiir Cawad.

Walwaal News Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here